Ciidanka Booliska Gaalkacyo oo horistaagay dadweyne rabay in ay dhigaan Banaanbax (Dhageyso)

January 14, 2013 - Written by

Gaalkacyo:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug ayaa sheegaya in ciidamada amaanka ay kala eryeen dadweyne doonayey in ay sameeyaan banaanbax ay uga soo horjeedaan xukuumada Madaxweyne C/raxmaan Faroole waxaana ay ciidanka Booliska qaateen gawaari iyo codbaahiyaal ,Boorar ay diyaariyeen banaanbaxayaasha.

Ciidanka booliska gobolka Mudug ayaa ahaa kuwa aad u feejignaan iyaga oo lagu arkay saaka ciidamo gaafwareegaya waddada laamigaa iyo jidadka halbawlaha u ah magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug.

Taliyaha qaybta booliska gobolka Mudug G/sare Jaamac Maxamed Axmed ayaa saxaafada uga u sheegay in ay ka hortageen dad uu ku sheegay qaswadayaal kuwaas oo soo abaabulay buu yiri caruur iyo haween waxaana uu sheegay in ay marna aqbali doonin in amaanka magaalada Gaalkacyo la khalkhalgaliyo.

Taliyaha Booliska ee gobalka Mudug G/sare Jaamac Maxamed Ahmed ayaa sheegay in dadka abaabulaya banaanbax ay ka danbeeyaan kuwa dano gaar leh waxaan uu sheegay in ciidanka wax rasaas ah ay isticmaaleen waxaana dhanka kale uu xaqiijiyey in dhalinyaro ka careysan banaanbaxa laga hortay ay saldhiga rasaas ku rideen balse uusan wax khasaaro ah uusan ka dhalan.

Dhanka kale Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa la filayaa in maalmaha soo socda ay socdaal ku tagaan magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug waxaan haatan magaalada ku sugan wasiiro iyo wasiiro ku xigeeno ka tirsan xukuumada Puntland.

Hoos ka Dhageyso Wareysi Radio Daljir uu la yeeshay Taliyaha Booliska ee gobalka Mudug G/sare Jaamac Maxamed Ahmed

[audio:http://k007.kiwi6.com/hotlink/94m2o470zs/wareysi.mp3]

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online