Booqashadii Prof. Maxamed Jamac Salaad ee Denmark (Video+sawiro)

January 31, 2013 - Written by

SONY DSCDenmark:-Waxaa taariikhdu markay ahayd 24.01.2013 magaalada Copenhagen ee Denmark booqasho ku yimid Prof. Mahamed Jamac Salaad. Intuu joogay wuxuu la kulmay  jaaliyadda Puntland iyo  ee ku nool Denmark.

Kulankaas ayuu  Prof. Salaad soo jeediyay warbixin dheer iyo xogwarran ku saabsan xaalad-caafimaadka guud ee dowladda Puntland ee Somalia. Sida ay markii hore ahayd iyo isbaddalka ku dhacay. Wuxuu xusay halka iyo sida uu u bilaabay hawlahiisa. Wuxuu tusaale u soo qaatay sida uu markii hore ku sugnaa isbitaalka Gaalkacyo iyo sida uu maanta yahay, isagoo gobollada Soomaaliya looga kala yimaado.

Dhinaca kale, wuxuu Prof. Salaad ka hadlay waxtarka caafimaad ee ay beeyadu leedahay iyo sida ay Puntland ugu badan tahay.

Ugu dambaystii, wuxuu jaaliyadda ku boorriyay inay kaalin wax ku ool ah ka qaataan horumarinta Puntland.

Hoos ka Daawo kulankii Prof. Maxamed Jamac Salaad iyo Jaaliyadda ku nool Copenhagen caasimada dalka Denmark

 

Farah Osman
Halgan.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

232,174 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>