Ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM oo howlgalo ka sameeyey Degmada Afgooye

January 4, 2013 - Written by

Afgooye:-Wararka naga soo gaaraya Degmada Afgooye ee gobolka Shabelaha Hoose ayaa sheegaya in maanta ay howlgalo culus ay ka sameeyeen Afgooye ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM waxaana howlgalada lagu soo qabtay dad looga shakisan yahay in ay wax u dhimayeen amaanka Degmada Afgooye.

Ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM ayaa si wada jir ah u wada howlgalo ka dhacay Degmada Afgooye waxaana ay guriguri u galeen xaafadaha ay ka kooban tahay Degmada Afgooye.

Ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM ayaa sidoo kale waxaa ay howlgalo ka sameeyeen wadada u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye iyaga oo xabsiga dhigay askar ka tirsan DFS oo Isbaaro dhigtay wadada u dhaxeysa Afgooye iyo Muqdisho.

Darawalada Gawaarida u kala goosha Afgooye iyo Muqdisho iyo shacabka wadadaas ku safra ayaa cabashooyin badan ay ka soo baxayeen baryahaan ka dib markii ay Isbaaro dhigteen ciidamo ka tirsan DFS.

Guddoomiye kuxigeen dhanka amniga ee maamulka gobolka Shabeellaha Hoose Maxamed Cabdi  ayaa xaqiijiyey in saaka ay howlgalo ka socdaan Degmada Afgooye wuxuuna sheegay in ay sii socon doonaan howlgaladaas.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online