Ciidamada DFS oo maanta mar kale howlgalo ka wada magaalada Muqdisho

January 15, 2013 - Written by

Muqdisho:-Ciidamada DFS ayaa maanta mar kale howlgalo ka sameeyey magaalada Muqdisho waxaana howlgaladaas lagu qabqabtay boqolaal dhalinyaro ah waxaana howlgalada saaka ay si culus uga socdaan  degmooyinka Wadajir, Dharkiinley iyo Huriwaa .

Saraakiisha ciidanka DFS ayaa sheegay in howlgalada ay ku xoojinayaan amaanka magaalada Muqdisho ;sida uu saxaafada u sheegaya taliyaha ciidamada nabadsugida ee gobolka Banaadir Col. Khaliif Ereg waxaana uu sheegay in dadkii maanta ay qabteen ay sii daayeen badankood.

Howlgalada saaka ay qaadeen ciidanka DFS ayaa waxaa si wada jir ah u wada fuliyey ciidamada  booliska, kuwa nabad sugida iyo ciidanka Melatariga ee DFS.

Taliyaha ciidamada nabadsugida ee gobolka Banaadir Col. Khaliif Ereg ayaa sheegay in howlgalada saaka ay ku qabteen dad gaaraya ilaa 1,714 qof waxaana haatan u xiran ciidanka DFS 114 qof oo laga soo qabtay degmooyinka Wadajir, Dharkiinley iyo Huriwaa .

Waa maalintii labaad oo ay howlgalka  ka sameeyaan ciidanka DFS magaalada Muqdisho  iyadoo shalay ay howlgal la mid kan saaka ay ciidamada DFS ka sameeyeen  Degmooyinka Yaaqshiid iyo  Huriwaa waxaana lagu soo qabtay dad gaaraya ilaa  137  qof .

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online