Dagaal dhexmaray laba beelood oo ka dhacay gobalka Tana River ee dalka Kenya

January 10, 2013 - Written by

Nairobi:-Wararka ka imaanaya  gobalka Tana River ee dalka Kenya ayaa sheegaya in mar kale uu ka bilaawday dagaal u dhexeeya laba beelood kuwaas oo ku dhaqan gobalka Tana River ee dalka Kenya.

Booliiska Kenya ayaa sheegay in kooxo hubaysan oo ka soo jeeda beesha Pokomo ay Arbacadii shalay  ku dileen gobalka Tana River ee dalka Kenya ugu yaraan 8 qof waxaana 8 qof oo la dilay ay ka soo jeedaan beesha Orma .
 
Dad goo joog ah ayaa warbaahinta dalka Kenya u sheegay in kooxda ka soo jeeda beesha Pokomo ee soo weerartay deegaan ay degan yihiin beesha Orma  laga dilay 4qof qaar kalana laga dhaawacay.

Ciidanka dowlada Kenya ayaa waxba ka qaban waayey dagaalka u dhexeeya labada beelood ee  Pokomo iyo Orma xili ay ciidamo tiro badan u dirtay gudaha dalka Soomaaliya.

Hay’adda Laanqeyta Cas ee Kenya ayaa qeylo dhaan u dirtay beesha Caalamka iyo masuuliinta dowlada Kenya waxayna sheegtay in gobalka Tana River ee dalka Kenya uu ka socdo xasuuq .

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online