Dimuqiraayida Reer Galbeedka oo beenowday ka dib xiritaankii barta Twitter-ka ee @HSMPress

January 25, 2013 - Written by

twitter_Al-ShababMuqdisho:-Shirkada Twitter-ka ayaa cadaadis badan oo uga yimid wadamada reer galbeedka waxaa ay xireen bartii  Twitter-ka  ay ku lahaayeen Ururka Al-Shabaab  ka dib markii ay warbaahinta caalamka ay bilaabeen in wararka Ururka Al-Shabaab ay ka  raadsadaan Bartii Twitter ee HSMPresss iyo Mu’assasada Warbaahinta ee Ururka Al-Shabaab ee Al-Kataa’ib .

Ururka Al-Shabaab ayaa dhowr mar soo dhigay macluumaad iyo sawiro kala duwan barta Twitter-ka ee @HSMPress waxaana ay shaqo bilawday bishii December ee sanadkii 2011 waxaana ka mid ahaa waxyaabihii ugu waaweynaa oo ay soo dhigeen askartii ka socotay dalka Burundi oo lagu laayey Degmada Dayniile ,Sarkaaal ka tirsanaa Sirdoonka Fannsiiska  waxaana u danbeeyey meydkii askarigii laga dilay ciidamada Kumadoska Faransiiska ee ku fashilay in ay soo furtaan Dennis Alex.

Wadamada reer Galbeedka ayaa inta badan ku andacooda wax ay ugu yeeraan Dimiquraadiyada balse waxaa iska cad in ay xitaa ka been sheegaan wax ay iyagu qorteen . Warbaahinta reer galbeedka ayaa ku fashilanta dagaaladii ka dhacay dalka Ciraaq iyo Afgaanistaan ka dib markii si cad loogu diiday in ay dhexdhexaad u tabiyaan dagaalka xiligaas ka socday Ciraaq iyo Afgaanistaan.

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online