Dufcadii ugu horaysay ee Mac-hadka al Nibraas oo maanta qalinjabisay.(Daawo Masawirada)

January 20, 2013 - Written by

2_dadJigjiga 20/1/013,Munaasabad balaadhan oo qalinjabin ah  ayaa maanta oo axad ah ka dhacay hoolka shirarka ee golaha Arimaha islaamka dawlada deegaanka soomaalida itoobiya ee caasimada jigjiga ,munaasabadan oo si heersare,ah loo soo,abaabulay ayaa shahaadooyin lagu gudoonsiiyay 54 arday oo mudo halsano,ah ka baranayey  luuqada Carabiga Mach adka al-Nibraas ee ku yaala magaalada jigjiga.

Munaasabadan oo ay ka soo qayb galeen Martisharaf kala duwan ayaa waxaa ka hadlay gudoomiyaha hay,adda waxbarashada& dacwada al-sunna Sheekh Xasan Yuusuf Barkhadle waxaana uu sheegay in ay ardaydani noqonnayso arddii ugu horaysay ee ka qalinjabisa luuqada carabiga magaalada jigjiga waxuuna sheegay in ay amaan iyo ku dayasho mudanyihiin. Dhanka kale wuxuu ugu baaqay bulshada ku nool magaalada jigjiga gaar ahaan dhalin yarada in ay bartaan luuqada carabiga,taasoo aasaas u,ah in,ayf ahmaan diinta islaamka.

Waxaa sidoo kale ka hadlay Munaasabada Sheekh Xasan daadhi wuxuuna u mahad celiyay macalimiintii  soo baray ardaydani luqada carabiga iyo culuumta kale .

Waxaa iyaguna hadalo kala duwan ka soo jeediyay macalinkii ardaydan waxbaray Sheekh Cabdinuur Xasan Rashiid ,masuuliyiin ka socotay maamulka magaalada jigjiga,golaha arimaha islaamka,jaamacada jigjiga,iyo odayaal dhaqameed kala duwan.

Macadka al-Nibraas oo lagubarto waxbarasho isugujirta maadi ,diini iyo luuqadaha kala duwan, ayaa ka mid ah goobaha waxbarasho ee ay hay,adda al-Sunna ka ,aasaastay deegaanka mudadii yarayd ee ay deegaanka kajirtay.

no images were found

Xafladan oo ay ardaydii qalinjabisay ayaa waxay  soo badhigeen qaabkay wax u barteen iyaga oo qaar ka mid ihi ay wada sheekaysi ku soo bandhigeen luuqada carabiga iyo riwaayad lagu matalayay wanaaga luuqada carabiga ay leedahay.

Maamulka Mac-hadka al nibraas
Jigjiga
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online