Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Beledweyne Ugaas Khaliif oo la dayactiray

January 29, 2013 - Written by

diyaaradHiiraan:-Waxaa maanta galinkii danbe dib loo furay garoonka Diyaaradaha ee magaalada Baledweyne ee Ugaas Khaliif  ka dib markii dayactir ay ku sameeyeen ciidamada dalka Jabuuti oo ka tirsan ciidanka AMISOM waxaana munaasabada lagu furay garoonka  Ugaas Khaliif  ka soo qeyb galay Masuuliinta gobalka Hiiraan iyo Saraakiil ka tirsan AMISOM.

Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Baledweyne ee xarunta gobalka Hiiraan ayaan shaqayn mudo badan ka dib markii ay wax yeeleeyeen Roobab Mahiigaan ah oo ka da’ay gobolka Hiiraan. Taliyaha ciidanka AMISOM ee magaalada Baledweyne Col.Cismaan Dubbad  oo ka hadlay munaasabada lagu furay garoonka Ugaas Khaliif ayaa sheegay in ay dayactir ku sameeyeen garoonka Diyaaradaha ee Ugaas Khaliif ayna ku kordhiyeen ilaa 3mitir.

Odayaal waxgarad iyo Suxufiyiinta ka howlgala gobolka Hiiraan ayaa maanta booqday Garoonka Ugaas Khaliif waxaana dib u bilaawday howlihii garoonka Ugaas Khaliif ee magaalada Baledweyne dadweynaha ku dhaqan gobalka Hiiraan ayaa aad u soo dhaweeyey in uu dib u shaqo bilaabo Garoonka Diyaaradaha ee Baladweyne.

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online