Golaha wakiilada Puntland oo ansaxiyay miisaaniyada sanadka 2013

January 7, 2013 - Written by

Garoowe:-Golaha wakiilada dowllada Puntland oo kulan ku yeeeshay xarunta Golaha wakiilada ee Puntlland  ayaa waxaa ay saaka ansixiyeen miisaaniyada sanadkan 2013 ka dib dood dheer oo dhex martay Xilidhibaanada.

Kulanka maanta ka dhacay xarunta Golaha wakiilada ee Puntlland ayaa waxaa soo xaadiray ilaa 48 xilidhibaan iyagoo su,aalo wiidiiyey  wasiirka maaliyada ee Puntlland oo isagu hor yimid Golaha wakiilada ee Puntlland.

Dood iyo su,aalaha ugu badaneyd ee wasiirka maaliyada la wiidiiyey ayaa waxaa ugu badanaa xuquuqda ciidanka dowlladu ay ku leeyihiin miisaaniyada sanadka 2013.

Guddoomiyaha golaha wakiilada dowllada Puntlland Cabdirashiid Maxamed Xirsi ayaa hadal kooban ka jeediyey golaha wakiilada Puntland  isagoo ugu baaqay xilidhibaanada isku duubni iyo in laga foojignaado kuwa doonaya in ay wiiqaan horumarka dowlladnimo iyo nabadgelo ee ka jirta Puntlland.

Guddoomiyaha golaha wakiilada dowllada Puntlland Cabdi rashiid Maxamed Xirsi ayaa sheegay in ay jiraan cadow badan oo dano kale duwan ka leh in ay burburiyaan hanaanka dowllada nimo oo dadka degaanka u dhashay ay dhisteen arrinkaas oo ay wadaan  buu yiri dad leh arrimo siyaasadeen iyo arragagixisada caalamiga ah oo dulaan ku ah jiritaanka Puntlland.

Guddoomiyaha golaha wakiilada dowllada Puntlland Cabdi rashiid Maxamed Xirsi ayaa ugu baaqay dowllada iyo shacabka in si isku duuban ay uga soo horjeestaan cadowga argagixisada uu ugu yeeray oo uu sheegay in ay dabargoyn ku wadaan idhihii iyo waxgaradkii umada isagoo sheegay in ay iska dhicin doonaa cid walba oo duulaan ku ah jiritaanka Puntlland.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online