Golaha Wasiiradda ee Dowlada Federaalka oo maanta kulan isugu Yimid

January 17, 2013 - Written by

IMG_7605Muqdisho:-Golaha Wasiiradda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid kulankoodii caadiga ahaa, waxaana looga hadlay qodobo ay ka mid yihiin dhacdadii lagu laayay dadka rayidka ah ee ka dhacday Tuulada Buulo Yaasiin oo ku dhow degaanka Leego ee Gobolka Sh/hoose, iyo Xariga Weriye C/casiis C/nuur Koronto oo warbixin aan sax aheyn faafiyay isla markaana ku xiran Xarunta CID-da.

Golaha Wasiiradda ayaa ugu horeyntii waxay ka doodeen dhacdadii 15-ka bishan ka dhacday Tuulada Buulo-yaasiin ee ay ciidamada Nabad illaalinta ee AMISOM ku toogteen dad rayid ah oo tiradoodu gaareyso 7 ruux oo 5 ka mid ahi ay ahayeen caruur, halka labada kalena ay ahaayeen Dad Waayeel ah. Waxaana ku dhaawacmay 7 ruux oo kale.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Mudane C/kariin Xuseen Guuleed oo gabgabadii kulanka kadib, Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Golaha Wasiiradu ay go’aanno ka soo saareen dhacdadii lagu laayay dadka rayidka ah, waxayna kala yihiin qodobadaasi.

  1. In Dowladda Soomaaliyeed ay aad uga xuntahay falkaas, isla markaasna aysan u dul qaadaneynin in la laayo dadka Rayid ah oo aan waxba galabsan
  2. In Dowladda Soomaaliyeed ay ka dalbaneyso Ciidamada AMISOM caddeymo buuxa iyo garoweshiyo falkii 15-ka bishan ka dhacay Tuulada Buulo-Yaasiin.
  3. In Dowlada Soomaaliyeed ay u saartay Guddi soo xaqiijiya dhacdadaasi iyo sida ay ku timid dhimashada, dibna Golaha Wasiirada ugu soo celiyaan warbixin.
  4. Dowladdu waxay Tacsi u direysaa iyada oo la murugeysan dadkii ku geeriyooday dhacdadaasi, kuwa dhaawacmayna in Alle bogsiiyo

Sidoo kale, Golaha Wasiirada ayaa ka hadlay xariga weriye C/casiis Koronto iyo dad kale oo lagu soo eedeeyaya inay wabrixin been abuur ah oo ku saabsan Kufsi loo geystay gabar Soomaaliyeed ay u gudbiyeen warbaahinta caalamka

Wasiirka ayaa sheegay in baaritaan dheer oo ay sameeyeen ay ku ogaadeen in eedeynta la xariirta Kufsi ay ciidamada Boolisku ka geysteen xero ku taala magaalada Muqdisho, taasoo laga sii daayay TV-ga Aljazeera ay tahay mid been abuur ah, isla markaana ay gacanta ku hayaan Weriyihii iyo dadkii kale ee kala qeyb qaatay sharcigana la horgeyn doono.

“Golaha Wasiiradu waxay Cambaareeyeen falalka lidiga ku ah kufsiga haweenka iyo tacadiyada kale ee dumarka, waxayna adkeysay ciqaabta uu mudan karo shaqsiga ay ku cadaato falalkaasi kufsiga iyo dhibaateynta ah” ayuu yiri wasiirka oo xusay in maalmihii ugu dambeeyey ay sharciga waafajiyeen askar ka tirsan Ciidamada Dowladda oo lagu eedeeyey inay galeen falal Kufsi ah.

Golaha wasiirada ayaa sidoo kale meel mariyay qorshe ay soo diyaarisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka kaasoo la xariira dib u dejin loo sameynayo Barakacayaasha ku nool xeryaha Qaxootiyada, waxayna isla qaateen in si deg deg ah looga howlgalo arrinkaasi.

Wasiirka ayaa tilmaamay in dadkani ay haatan deggan yihiin goobo aan munaasib ku aheyn degaanka kuwaasoo aan laheyn agabkii degaanka sida biyo, caafimaad iyo musqulo, wuxuuna xusay in wasaaraddu iyada oo kaashaneysa hay’addo caalami ah ay u diyaarin doonaan dadkani goobo ku wanaagsan degaanka oo leh adeeg caafimaad, biyo iyo adeegyada kale ee aas aasiga u ah nolosha.

Dhinaca kale, golaha Wasiirada ayaa go’aamiyay in 26 illaa 31-ka bishan Janaayo loo aqoonsado todobaadka Nadaafada Dalka. Wuxuuna Wasiirka Arrimaha Gudaha ugu baaqay dhamaan Gobolada iyo Degmooyinka in laga sameeyo ololahan nadaafadeed waxaana hormuud ka noqon doona Masuuliyiinta Dawlada.

Hoos ka Dhageyso Hadalka Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka  ee DFS C/kariin Xuseen Guuleed.

 

[audio:http://k007.kiwi6.com/hotlink/4677x0tn1k/codka_wasiirka_a._gudaha_17-jan-2013.mp3]

—-DHAMAAD—–

 
Diraac Salaad Fagaase
Communication Director
office of the PM

Leave a comment

*

Archives
January 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online