Guddoomiyaha Garisa oo Amni xumida ku eedeeyey ciidamo ka tirsanaa DFS

January 2, 2013 - Written by

Garisa:-Guddoomiyaha degmada Garisa Maxamed Macallin ayaa ku eedeeyay qaraxyada iyo dilalka ka dhaca gudaha dalka Kenya  dhallinyaro u dhashay dalka Kenya oo ka mid noqday ciidamada DFS xiligii uu talada dalka hayey Madaxweynihii hore ee Soomaaliya  Sheekh Shariif Sheekh Ahmed.

Maxamed Macallin ayaa mar uu wareysi siiyey wargeyska The Daily Nation waxaa uu si cad u sheegay in askar lagu  tababaray gudaha Kenya oo ka goostay DFS ay wadaan amni xumada ka jirta gobalka Waqooyi Bari ee Kenya ka dib markii ay u adkeysan waayeen dagaalada ka socda Soomaaliya.

Ilaa iyo intii ay ciidamada dalka Kenya gudaha u galeen Soomaaliya ayaa waxaa ka dhacay gudaha dalka Kenya qaraxyo iyo dilal kala duwan oo ay dowlada Kenya ku eedeysay in ay ka danbeeyaan Ururka Al-Shabaab balse marna ma sheegay Ururka Al-Shabaab qaraxyada ka dhacay Kenya ;waxaana lagu dilay magaalada Garisa kaliya 11 askari oo ka tirsan ciidanka Kenya.

Halkan ka Akhris wargeyska The Daily Nation ee uu wareysiga siiyey Guddoomiyaha degmada Garisa Maxamed Macallin

Cabdi Yare
Kismaaayo

Leave a comment

*

Archives
January 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online