Guddoomiyaha Guddiga ku meelgarka ah ee maamulka Jubbooyinka oo shirjaraa,id ku qabtay Kismaayo

January 22, 2013 - Written by

shahmedKismaayo:-Guddoomiyaha Guddiga ku meelgarka ah ee maamulka Jubbooyinka Sheekh Axmed Maxamed Islaan Axmed Madoobe ayaa waxaa uu maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Kismaayo waxaa uu uga hadlay arimo kala duwan waxaana uu sheegay in uu meel gabogabo ah uu marayo Maamul u sameyntii gobollada Jubbooyinka.

Sheekh Axmed Madoobe ayaa sheegay in ay meel wanaagsan uu marayo maamul u sameynta gobollada Jubbooyinka, waxaana uu rajo ka muujiyey in toddobaadka dambe ay ergooyin kala duwan oo ka socda beelaha dega gobalada  Jubooyinka ay soo gaari doonaan magaalada Kismaayo.

Gudoomiyaha Ururka RaaskambooniSheekh Ahmed Madoobe ayaa sheegay in aan cidna la qasbi doonin dadka deegaanka cida ay doortaana ay u hogaansami doonaan ;Waxaa kale oo uu ka hadlay amaanka magaalada Kismaayo
wuxuuna sheegay in amaanka uu yahay mid wanaagsan

Guddoomiyaha Guddiga ku meelgarka ah ee maamulka Jubbooyinka Sheekh Ahmed Madoobe ayaa mar la weydiiyey kaalinta DFS ay ku leedahay maamul u sameynta gobalada dalka Soomaaliya ayaa sheegay in dowlada ay ugu baaqayaan in ay ka soo qeyb gasho kulanka maamul gobaleedka loogu sameeynayo jubooyinka oo ay hurmuud ka tahay IGAD.

Dhinka kale Ahmed Madoobe ayaa wareysi uu siiyey Laanta Afka Soomaalida ee BBC ayaa waxaa uu sheegay in IGAD ay in mudo ah soo waday qorshaha Maamul loogu sameynayo gobalada jubooyinka waxaana uu sheegay  in dadka deegaanka loo daayo in ay maamulkooda sameystaan dowladana ay ku caawiso.

Shirkii Golaha wasiirda ee DFS shalay ayaa warsaxaafadeed laga soo saaray waxaa lagu xusay in DFS ay iyada xaq u leedahay in ay maamul u sameyso gobalada laga saaro Ururka Al-Shabaab.

A/Cawale

Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online