IGAD oo u soo jeediyey DFS Diyaarinta Maamul u sameynta gobalada dalka.

January 24, 2013 - Written by

igadAdisAbaba:-Warmurtiyeed ka soo baxay shirkii 46-aad ee golaha wasiirada ee Urur goboleedka IGAD ayaa waxaa looga codsaday dowladda faderaalka ee Soomaaliya inay dadajiso maamul u samaynta gobolada dalka kuwaas oo ay dhawaan ciidamada AMISOM iyo kuwa DFS ka qabsadeen Ururka Al-Shabaab.

Madaxada Urur goboleedka IGAD ayaa waxaa ay kulan ay uga hadlayeen xaalada Soomaaliya waxaana ay amaan u soo jeediyeen DFS sida ay kaalinta uga qaadatay adkeynta amaanka .

Warmurtiyeedka ka soo baxay shirkii 46-aad ee golaha wasiirada ee Urur goboleedka IGAD ayaa waxaa DFS looga codsaday in ay diyaariso codsi ku’ aadan sidii Soomaaliya looga qaadi lahaa xayiraada hubka ee saanaa mudo badan dalka Soomaaliya.

Warmurtiyeedka ay maanta soo saareen golaha wasiirada ee Urur goboleedka IGAD ayaa  lagu cambaareeyey cid walbo oo ka soo horjeedda dib u dhiska Soomaliya .Waxaa sidoo kale kulanka golaha wasiirada ee Urur goboleedka IGAD looga hadlay xaalada wadamada labada Sudan waxaana loogu baaqay in ay dhowraan heshiis ay wada gaareen labada dhinac.

Warsaxaafadeedka Urur goboleedka IGAD ayaa ku soo aaday xili ay DFS ay caqabad ka heysato maamul usameynta gobalada dalka waxaana xiisada ugu ba,an ay ka jirtaa gobalada jubooyinka .Urur gobaleedka IGAD ayaa sidoo sheegay in qabqablayaasha dagaalka iyo qaswadayaasha aysan boos uga banaaneyn Soomaaliya.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online