Khudbadii Jimcaha Ee Masjidka Al-Hidaay Sheekh Xasan Ibraahim Ciise Geerida iyo xanuunkeeda (Dhageyso)

January 25, 2013 - Written by

alhidaayaNairobi:-Waxaan walaalaha u soo gudbineynaa khudbadii Masjidka Al-Hidaaya ee magaalada Nairobi waxaana maanta jeediyey khudbada Sheekh Xasan Ibraahim Ciise xafidahulaah waxaana uu Sheekhu ka hadlay mowduuc aad muhiim u ah oo loo baahan yahay in muslimiinta ay mar walba is xasuusiyaan wuxuuna ahaa muwduuca khudbada maanta Geerida iyo xanuunka ay leedahay .

Geerida waa xaq cid walbana waa dhimayaa marka waxaa loo baahan yahay qof kasta oo iimaan leh in uu alle ka baqo oo uu isku diyaarsho geerida lana yimaado camal suuban oo waafaqsan kitaabka alle iyo sunada nabigeeni Maxamed صلي الله عليه وسلم.

Khudbada maanta ayaa ah mid aad u qimo badan qofkasta oo muslin ahna ka ilmeysiineysa. Ilaahay ha nagu anfaco khudbada  Sheekh Xasan Ibraahim Ciise alaha aduun iyo aakhiro xifdiyo.Aaaamiin

Hoos ka Dhageyso Khudbadii Jimcaha ee Masjidka Al-Hidaay Sheekh Xasan Ibraahim Ciise Geerida iyo xanuunkeeda
[audio:http://k007.kiwi6.com/hotlink/9djp54vdk8/khudbadi_manta_sh_xasan_ibrahim.mp3″] ama halkan Mp3

Dhanka kale Sheekh Maxamed Cabdi Umal Xafidahulaa ayaa isagana khudbadii Jimcaha ee Masjidka Abu bakar ee magaalada Nairobi ka jeediyey waxaana uu khudbadiisa uga hadlay (Bidcada Mowliidka ) iyo in umada ay ku dhegaan sunada Nabigeenii Maxamed صلي الله عليه وسلم kana fogaadaan bidcada dib baan idiinka soo gudbin doonaa marka ay na soo gaarto Inshalaah.

Yaasiin Cabdi Ahmed
Nairobi
Kenya

3 Comments so far

Leave a comment

  1. asc maasha alaah sheekh qeeyr badan alaha siiyo inagane ilaah hana hadeeyo

  2. allahu akbar allahu akbar allahu akbar alloow kuxifdi ookusug maalinta lakhatan yahay oo laqaawan yahay muxaadaradan qayim ka ah quluubteena gadisay walaalaha noosoo gudbiyay jasaakallaah khayran

  3. masha allah walaalkeena sheekh xasan ibraahim ciise allah hanoo xifdiyo insha allah

Leave a comment

*