Leicestershire Somali Businesses and Service Providers Directory 2013/14

January 17, 2013 - Written by

joojeAllaah ayaa mahad idilkeed ay u sugnaatay, waxaa maanta laguu hayaa fursad aad ku ballaarin karto ama aad meel fog ku gaarsiin karto adeega aad bulshadaad u heyso, haddii ay noqon laheyd ganacsi, hay’ad ama wax walboo dhaq dhaqaaq ah aad ku heyso gudaha magaalada Leicester.

Waxaan kugu bishaareynaynaa in uu soo bixi doono buug yar oo kulmiya Adeegyada bulshada Soomaaliyeed loo qabto ee ka jira gobolkan { Leictershire Somali businesses and service providers Directory} buugaas waxaad ku soo bandhigi kartaa hadba inta uu ganacsigaaga ama adeega aad u hayso bulshada uu la’eg yahay iyo cidda uu sida gaarka ah adeegaagu u quseynayo.Adeegyadaadu waxa ay noqon karaan { Dukaan, Private tuition, tagsi, Community, goob waxbarasho, gancsiyada wareega, xawaalad iyo nooc walboo ganacsi ee aad sameyso}

Runtii waa fursad dahabi ah, buugaas waxaa loogu talagalay in uu gaaro dhammaan hay’adaha ka jira magaaladan, libareeriyada, komuunitiyada, goobaha ganacsiyada iyo guri walboo uu ku nool yahay qof Soomaali ah inshaa’allaah. Fadlan sida ugu dhaqsaha baddan noogu soo gudbi macluumaadkaaga si aad fursadan uga faa’ideysato.

Hadba si aad fursadaas uga faa’ideysato waxaad u baahan tahay in aad u soo gudbiso hay’adda SOMINFOS oo fadhigeedu yahay magaalada Leicester xogta aad dooneyso in aad u gudbiso bulshada aad u adeegto ama macaamiishaada ah iyo waliba kuwa cusub aad dooneyso in dhawaqaagu gaaro.

Qiimaha laguugu soo daabacayo maaha mid ku eryaya ee waa mid ku xiran hadba inta macluumaad aad dooneyso in aad bulshada gaarsiiso.

{ Full page, half page, front pages, etc }

Masaajidyada iyo goobaha diiniga waa lacag la’aan.

Buuggaas waxaa uu soo bixi doonaa dhawaan ee fadlan si deg deg ah macluummmadkaaga noogu soo gudbi adigoo lasoo xiriiraya: –

FG: – macluumaadka buuggan ku soo bixi doona waa mid loo wada siman yahay ee maaha mid dad gaar ah loogu daneynayo ee qof walboow ama hay’ad walibay adigu ha isreebin.

Cabdixakiim Jaamac Jooje – Mob 07949900582 – E-mail saicentadv@yahoo.com

 

 

Leave a comment

*

Archives
January 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online