Madaxweynaha DFS Dr Xasan Sheekh Maxamuud oo u ambabaxay dalka Itoobiya

January 26, 2013 - Written by

xasanAddis Ababa:-Wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha DFS Dr.Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa uu ambabaxay  magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya waxaana socdaalkiisaa ku weheliyey wasiiro ka tirsan xukuumada DFS .

Wafdiga uu horkacayo Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxay casumaad rasmi ah ka heleen Raisul wasaaraha dalka Itoobiya Hailmariam Dessalegn.

Madaxweynaha DFS Dr.Xasan Sheekh Maxamuud ayaa warfidiyeenada kula hadlay Garoonka diyaaradaha ee Aden Cadde waxaana uu sheegay in socdaalka uu ku tagayo dalka Itoobiya lagu gorfeyn doono sidii loo xoojin lahaa xiriir labada dal .

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in uu socdaal uu ku tagi doono dalal ay ka mid yihiin France iyo Belgium;Madaxweynaha DFS ayaa ilaa intii uu qabtay talada dalka waxaa uu laba mar socdaal ku tagay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

232,019 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>