Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr Cabdiraxmaan Faroole oo tacsi diray

January 22, 2013 - Written by

FAROOLEMadaxweynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiraxman Shiikh Maxamed Farole ayaa saaka waxaa uu tacsi u diray Eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Puntland  Eng.Xasan Daahir Af-Qurac oo saaka ku geeriyodey magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya.

Madaxweynaha Dowladda Puntland iyo  wafdigiisa oo booqasho shaqo ku jooga dalka Jabuuti ayaa saxaafada ka howl gasha deegaanada Puntlland waxaa ay marieen fariin tacsiyeed ku socota shacabka Puntlland guud ahaa gaar ahaan  waaxaha kale duwan ee dowllada iyagoo uga tacsiyeeyey geeridii  Madaxweyne ku xigeenkii hore ee dowllada Puntland  Eng.Xasan Daahir Af-Qurac

Ilaa hadda si rasmi ah looma shaacin goobta lagu aasi doono Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Puntland  Eng.Xasan Daahir Af-Qurac oo isagu xilka Madax weyne ku xigeenkii hore ee Puntland  qabtay sanadihii 2004-2008 xiligaas oo Madaxweynaha Puntlland uu ahaa Gen  Maxamed Muuse Xirsi Boqor Jen Cadde.

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee dowllada Puntland  Eng.Xassan Daahir Af-Qurac ayaa in mudo ah ku xanuunsanaa Isbitaal ku yaal magaalada Nairobi waxaan maalmahaan socotay in loo qaado dalka Jarmalka si loogu soo daaweeyo.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online