Madaxweynaha Dowllada Puntland Dr.C/raxman Faroole oo u dhoofey Dalka Jabouti

January 16, 2013 - Written by

Boosaaso:-Madaxweynaha Dowllada Puntland Dr.C/raxman Maxamed Maxamuud Faroole ayaa saaka safar aan horay loo shaacin waxaa uu ugu dhoofay dalka Jabuuti. Socdaalka uu saaka ku gaaray Madaxweynuhu dalka Jabuuti ayaa waxaa ku weheliya wasiiro ka tirsan dowlladiisa waxaan ka mid ah Wasiirka Amniga Col.Khaliif Ciise Mudan, ,wasiir ku xigeenka Arrimaha gudaha Cali Yuusuf Cali Xoosh, ,wasiirka Dekeddaha Eng.Siciid Maxamed Raage iyo siyaasi Cali Cabdi Awaare.

Ilaa hadda si rasmi ah looma shaacin u jeedada safarka Madax weynaha Puntlland iyo wafdigiisa uu ugu socdaalay dalka Jabuuti iyo inta casho oo uu joogi doono iyo haddii ay jirto dalal kale oo uu uga sii gudbi doono.  Madaxweynaha Puntlland Dr C/raxmaan Faroole ayaa  maalmihii u danbeeyey waxaa uu ku suganaa magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari waxaan uu kulamo gaar gaar ah la yeeshay waxgaradka iyo dhalinyarada Gobolka bari.

Wixii soo kordha kala soco Halgan.net 

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online