Madaxweynaha Puntland oo caawa kula kulmay Bosaaso James Swan

January 10, 2013 - Written by

Boosaaso:-Madaxweynaha Puntland Dr.C/raxmaan Maxamed Faroole ayaa caawa kulan la qaatay James Swan Danjiraha Maraykanka u qaabilsan arrimaha Somalia,waxaana ay kulanka ku wada qaateen xarunta madaxtooyada magaalada Boosaaso ee  gobalka Bari.

Wafdiga uu hogaaminayo Danjiraha Maraykanka u qaabilsan arrimaha Somalia, James Swan ayaa waxaa socdaalkiisa ku weheliya saraakiil ka socta wasaarada arimaha dibada waxaana ay caawa ka wada hadleen madaxweynaha Puntland arimaha Soomaaliya ,hanaanka xisbiyada badan ee Puntland  ,iyo xaalada amniga ee Puntland .

Madaxweynaha Puntland Dr.C/raxmaan Faroole ayaa waxaa kulankiisa ku weheliyey wasiiro ka tirsan xukuumadiisa waxaa ka mid ahaa wasiirka maaliyada ee Puntland  Faarax Cali Shire  iyo wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Siciid Maxamad Raage.

Socdaalka uu ku yimid Puntland Danjiraha Maraykanka u qaabilsan arrimaha Somalia ayaa ku soo aaday xili ay soo baxayaan khilaaf soo kala dhexgalay Maamulka Puntland iyo madaxada DFS waloow aysan wili si rasmi ah u soo shaac bixin.

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online