Madaxweyne ku xigeenka Puntland Gen Cabdisamad oo dhagax dhigay xarun cusub

January 16, 2013 - Written by

4Garoowe:-Madaxweyne ku xigeenka dowlada Puntland Gen Cabdisamad Cali Shire ayaa maanta waxaa uu dhagaxdhigay xarunta cusub ee yeelaneyso Wasaarada Duulista hawada iyo Garoomada Puntland taas oo laga dhisayo magaalada Garoowe ee xarunta Puntland.

Munaasabada uu Madaxweyne ku xigeenka Puntland Gen Cabdisamad Cali Shire uu ku dhagax dhigayey xarunta cusub ay yeelaneyso wasaarada Duulista hawada iyo Garoomada Puntland ayaa waxaa ka soo qeyb galay wasiirka Duulista hawada Puntland Xuseen Xasan Cabdi ,wasiir ku xigeenka wasaarada duulista hawada iyo Garoomada Puntland iyo agaasimaha guud ee wasaarada.

Madaxweyne xigeenka Puntland Gen.Cabdisamad Cali Shire ayaa sidoo kale kormeer ku tagay Garoonka Diyaardaha ee magaalada Garoowe waxaana uu  sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay horumarka ay hiigsaneyso Puntland waxaana uu sheegay in dowladiisa ay xooga saari doonto in ay dhameystirto dhamaan xarumaha wasaaradaha Puntland oo ay ku socdaan horumarin iyo qalabeyn intaba.

no images were found

Dadweynaha iyo waxgaradka ku dhaqan Puntland ayaa soo dhaweeyey dib u dhiska lagu wado dhamaan xarumaha wasaaradaha Puntland waxaana xusid mudan in Puntland aysan ka dhaxlin dowladii dhexe ee Soomaaliya xarumo badan oo diyaarsan  oo lagu shaqayn karo.

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online