Madaxweynihii hore ee Puntland Cadde Muuse oo soo gaaray magaalada Garoowe

January 6, 2013 - Written by

Garoowe:-Madaxweynihii hore ee Puntland Gen Cadde Muuse Xirsi  ayaa soo gaaray magaalada Garoowe ee xarunta dowlada Puntland waxaana uu kulamo la qaadan doonaan Islaan Ciise Islaan Maxamed iyo Suldaan Siciid Maxamed Garaase, oo labaduba ka mid ah Isimada Puntland sida weyn looga qadariyo.

Gen Cadde Muuse Xirsi Madaxweynihii hore ee Puntland ayaa waxaa sidoo kale uu kulamo albaabada u xiran yihiin la yeeshay Islaan Bashiir Islaan Cabdule ,Garaad Maxamed Cilmi Shirwac,Amiir Maxamuud Yuusuf Ciise waxrgara kale iyo Nabadoonada gobalka Mudug waxaana ay ka wada hadleen xaalada siyaasadeed ee Puntland.

Gen Cadde Muuse Xirsi ayaa sidoo kale waxaa uu kulamo kala duwan kula qaatay gobalka Bari Madaxweynaha Puntland Dr C/raxmaan Faroole ,Isimada iyo waxgaradka gobalka Bari waxaana uu Cadde ka gaabsaday in uu warbaahinta uga waramo kulamada kala duwan uu ilaa haatan la yeeshay waxgaradka ,Isimada iyo siyaasiyiinta Mucaaradka ku ah xukuumada C/Raxmaan Faroole.

Warar hoose oo ay heshay Halgan.net kana soo xigatay ilowareed lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Gen Cadde uu kulanka ugu danbeeya uu la yeelan doono Madaxweynaha Puntland ka dibna uu saxaafada uga warbixin doono halka ay mareyso waanwaantii uu ka dhexwaday dowlada iyo siyaasiyiin diidan halka sano ee xukuumada Faroole lagu eedeeyey in ay ku darsatay.

Madaxweynihii hore ee Puntland Gen Cadde Muuse Xirsi ayaa ilaa haatan socdaal ku tagay magaalooyinka Boosaaso,Qardho ,Gaalkacyo iyo Garoowe waxaana uu haatan ku sugan yahay Magaalada Garoowe ee xarunta Puntland.

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online