AMISOM tababar u furtay Maleeshiyaad beeleed ku sugan Beledweyne

January 24, 2013 - Written by

hiiraanHiiraan:-Waxaa  maanta tababar ciidan loogu furay magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan  maleeshiyood  beeleed gaaraya  ilaa 500 oo maleeshiyo waxaan tababarka siin doono Saraakiil ka tirsan  ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM waxaan uu tababarku socon doonaa  ilaa 45 maalmood.

Ciidamadaan maleeshiyood beeleedka ayaa waxaa la iskugu geeyey xerada ciidanka ee Lama galaay ee magaalada Beledweyne waxaan xaflada tababarka  maleeshiyaadkaan ka soo qayb galay guddoomiyaha gobolka Hiiraan C/fitaax Xassan Afrax iyo taliyaha ciidanka AMISOM ee gobolka Hiiraan Col.Cismaan Dubbad Sugulle.

Col.Cismaan Dubbad Sugulle oo la hadlay saxaafada ayaa waxaa uu sheegay in maleeshiyaad beeleedkaan la siin doono tababar fiican iyo qalab si ay ciidanka dowlladu uga mid noqdaan oo ay dowladu u gaarto isku filnaasho ugana maarmaan ciidamada AMISOM.

Col. Cismaan Dubbad ayaa ku dhiiri geliyey maleeshiyaadka in ay marka ay tababarkooda ay dhamaystaan ay ku soo biiraan ciidanka DFS taas oo ah baahi weyn oo taagan si amaanka Gobolka Hiiraan loo sugo.

Ma ah markii ugu horaysay oo maleeshiyaad beeleed loo furo tababar gudaha dalka iyo dibadiisa lagu soo siiyo tababar ciidan balse markii ay waayaan dhaqaalo ku filan ay isku rogaan  maleeshiyaad beeleed hubaysan  oo geysta marka danbe dhac iyo kufsi.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online