Muxaadaraadkii Sheekh Maxamuud Shible oo soo gaaray Halgan.net (Cod +Masawiro)

January 22, 2013 - Written by

10Nairobi:-Waxaa alle mahadiis ah in ay caawa soo gaareen Halgan.net muxaadaraadkii uu Sheekh Maxamuud Shible ka jeediyey masjidka Al-hidaaya ee magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya Muxaadaraadka oo socday 3 maalmood ayaa SheekhMaxamuud waxaa uu diirada ku saaray Muxaadaradiisa  المشاركة السياسية Al-Mushaaraka Al-Siyaasiya ama ka qeybgalka  siyaasada &{ dawladaha}.

Sheekh Maxamuud Shible ayaa waxaa marka hore uu si hordhac ah uga hadlay ka qeybgalka Siyaasada iyo dowladaha in ay culumada Islaamka ay ku kala aragti duwan yihiin waxaana uu Sheekhu Sheegay in Masaa,il khilaafi ah oo aan Ijmaac ahayn in ay dhacdo in dadka lagu gaaleysiiyo ka dibna dhiigooda la baneysto waxaana uu tusaale u soo qaatay saaxada Soomaaliya.

Sheekh Maxamuud Shible ayaa waxaa uu intaas ka dib si kooban uga hadlay wadaado aad ugu fogaaday in la galo golayaasha dowlada waxaana uu tusaale u soo qaatay wadaadada kala ah.

no images were found

1-AbuMaxamed Al-Maqdasi
2-Abuqataada Al-Falastiini
3-Abu Mundir Al-Shanqiidi
4-Sheekh Xasaan Xusen Aden
5-Sheekh C/qaadir Cabdi Casiis(Sayid Imaam)

Intaa ka dib ayaa Sheekh Maxamuud Shible waxaa uu aad ugu dheeraaday mowqifka Sh Xasaan Xusen uu ku gaaleysiiyey Ururka Al-ictisaam oo ka mid ah dhaqdhaqaaqyada Islaamiga ee ka jira Soomaaliya isaga oo soo bandhigay aqwaal kala duwan oo uu leeyahay Sh Xasaan Xusen .

Hoos ka dhageyso Muxaadaradii koowaad ee Muxaadaradii Sheekh Maxamuud Shible ka jeediyey Masjidka Al-Hidaaya.

[audio:https://halgan.net/Mp3/Muxaadaradii_1.mp3] ama Halkan MP3

Hoos ka dhageyso Muxaadaradii Labaad ee Muxaadaradii Sheekh Maxamuud Shible ka jeediyey Masjidka Al-Hidaaya.

[audio:https://halgan.net/Mp3/Muxaadaradii_2aad.mp3] Ama Halkan Mp3

Yaasiin  Cabdi Ahmed
Nairobi
Kenya
Halgan.net

2 Comments so far

Leave a comment

  1. mashaa allah sheikeena woxoo wax walbaahi ka dhigay fasiix
    mashaa allah ilaahey qeer haka siiyo

  2. asc walalayaal waad mahadsantihiin sidaad codsigeena u aqbasheen jazaakumullahu.
    walalayaal waxan codsaneenaa inaad qeybtii 3aad aad noosoo dabadhigtaan insha allah asc

Leave a comment

*