Muxaadaraadkii Sheekh Maxamuud Shible oo soo gaaray Halgan.net (Cod +Masawiro)

January 22, 2013 - Written by

10Nairobi:-Waxaa alle mahadiis ah in ay caawa soo gaareen Halgan.net muxaadaraadkii uu Sheekh Maxamuud Shible ka jeediyey masjidka Al-hidaaya ee magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya Muxaadaraadka oo socday 3 maalmood ayaa SheekhMaxamuud waxaa uu diirada ku saaray Muxaadaradiisa  المشاركة السياسية Al-Mushaaraka Al-Siyaasiya ama ka qeybgalka  siyaasada &{ dawladaha}.

Sheekh Maxamuud Shible ayaa waxaa marka hore uu si hordhac ah uga hadlay ka qeybgalka Siyaasada iyo dowladaha in ay culumada Islaamka ay ku kala aragti duwan yihiin waxaana uu Sheekhu Sheegay in Masaa,il khilaafi ah oo aan Ijmaac ahayn in ay dhacdo in dadka lagu gaaleysiiyo ka dibna dhiigooda la baneysto waxaana uu tusaale u soo qaatay saaxada Soomaaliya.

Sheekh Maxamuud Shible ayaa waxaa uu intaas ka dib si kooban uga hadlay wadaado aad ugu fogaaday in la galo golayaasha dowlada waxaana uu tusaale u soo qaatay wadaadada kala ah.[nggallery id=371]

1-AbuMaxamed Al-Maqdasi
2-Abuqataada Al-Falastiini
3-Abu Mundir Al-Shanqiidi
4-Sheekh Xasaan Xusen Aden
5-Sheekh C/qaadir Cabdi Casiis(Sayid Imaam)

Intaa ka dib ayaa Sheekh Maxamuud Shible waxaa uu aad ugu dheeraaday mowqifka Sh Xasaan Xusen uu ku gaaleysiiyey Ururka Al-ictisaam oo ka mid ah dhaqdhaqaaqyada Islaamiga ee ka jira Soomaaliya isaga oo soo bandhigay aqwaal kala duwan oo uu leeyahay Sh Xasaan Xusen .

Hoos ka dhageyso Muxaadaradii koowaad ee Muxaadaradii Sheekh Maxamuud Shible ka jeediyey Masjidka Al-Hidaaya.

[audio:http://halgan.net/Mp3/Muxaadaradii_1.mp3] ama Halkan MP3

Hoos ka dhageyso Muxaadaradii Labaad ee Muxaadaradii Sheekh Maxamuud Shible ka jeediyey Masjidka Al-Hidaaya.

[audio:http://halgan.net/Mp3/Muxaadaradii_2aad.mp3] Ama Halkan Mp3

Yaasiin  Cabdi Ahmed
Nairobi
Kenya
Halgan.net

Leave a comment

Archives
January 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online