Puntland oo Warsaxaafadeed ka soo saartay Iska horimaad shalay ka dhacay buuraha Galgala

January 4, 2013 - Written by

Boosaaso:-Warsaxaafadeed ka soo baxay Dowlada Puntland ayaa lagu sheegay  in weerar ay soo qaadeen ciidamo ka tirsan Al-Shabaab oo ka dhacay Buuralayda Galgala ay ku dileen 3 askari oo ka tirsan Al-Shabaab waxaana sidoo kale warsaxaafadeedka ay Puntland ku sheegtay in ay dhaawaceen 5 kale.
Ilaa haatan ma jiraan cid ka tirsan Al-Shabaab oo ka hadlay iska horimaadka ka dhacay shalay Buuraha Galgala.

Warsaxaafadeedka ay soo saareen Puntland ayaa waxaa uu u qornaa sidan.

Ciidamada Puntland oo Iska caabiyay Weerar Dilayna 3-nin oo ka Tirsanaa Al Shabaab

WAR SAXAAFADEED
04 January 2013

Ciidamada Dowladda Puntland ayaa iska caabiyey weerar ay soo qaadeen kooxda argagaxisada Al Shabaab/Al Qaeda habeenkii Jan. 3, 2013, iyadoo Ciidamada Puntland ay dileen 3-nin ayna dhaawaceen 5-kale oo ka tirsanaa kooxdii Al Shabaab ee weerarka soo qaaday.

Weerarkaasi ayaa dhacay abaare 10:30 habeenimo meel magaalada Boosaaso kaga beegan 40km dhanka koonfur-galbeed, iyadoo Ciidamada Puntland oo ilaalo ka haya agagaarka Buuraleyda Galgala ay iska caabiyeen ayna baacsadeen argagaxisadii Al Shabaab ee weerarka soo qaaday.

Hal askari oo ka tirsanaa Ciidamada Dowladda Puntland ayaa ku shahiiday weerarkaasi gardaradda ahaa Dhanka kale, maalin-nimadii Jan. 3, 2013, ayaa Ciidamada Puntland waxay qabteen nin ka tirsan kooxda Al Shabaab isagoo dhulka ku aasaya bambo.

Xogta sirdoonka ayaa cadaynaysa in kooxda argagaxisada Al Shabaab taageero dhaqaale ay ka hesho lacagaha madaxfurasho ay qaataan burcad-badeeda, iyadoo burcad-badeeda ay xiriir toos ah la leeyihiin kooxda Al Shabaab oo jabmilitari iyo burbur dhaqaale soo foodsaartay muddoyinkii dambe.

Dowladda Puntland ayaa si wayn u cambaaraynaysa lacagaha madaxfurasho ay qaataan burcad-badeeda waxayna Dowladda Puntland ugu baaqaysaa BeeshaCaalamka in si degdeg ah loo joojiyo bixinta lacagaha madaxfurasho oo taageero dhaqaale u ah kooxaha burcad-badeeda iyo argagaxisada Al Shabaab.

Waxaa la rumaysan yahay in weerarada argagaxiso ay kooxda Al Shabaab kusoo qaado Shacabka iyo Dowladda Puntland ay ku lug leeyihiin xaalado siyaasadeed oo Soomaaliya gudaheeda ah.

— END —

Warsaxaafadeed Puntland ka soo saartay iska horimaad ka dhacay Laag

Leave a comment

*

Archives
January 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online