Qarax ka dhacay Degmada Afgooye ee Gobolka Sh Hoose

January 9, 2013 - Written by

Afgooye:-Waxaa maanta duhurkii qarax bam lagu weeraray ciidamo ka tirsan DFS kuwaas oo fariisin ku lahaa suuqa xoolaha ee Degmada Afgooye waxaana qaraxa uu ahaa Bam gacmeed lagu tuuray askar ku sugnay gudaha suuqa xoolaha ee Degmada Afgooye.

Qaraxa ayaa waxaa ka dhashay khasaaro kala duwan waxaana dad goobjoogayaal ah ay warbaahinta u sheegeen in ay dhaawacmeen askar ka tirsan DFS iyo laba qof oo dumar kuwaas oo loo qaaday Isbitaalka Degmada .

Ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM ayaa goobta uu qaraxa ka dhacay soo gaaray waxay ka bilaabeen in ay howlgalo ka sameeyeen goobta uu qarax ka dhacay iyo xaafadaha ku dhow; ilaa haatan ma jiraan cid sheegatay weerar bam ee lagu qaaday ciidanka DFS.

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

232,018 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>