R/W DFS oo cambaareeyey weerarkii lagu khaarajin lahaa.[War-saxaafadeed]

January 29, 2013 - Written by

R_Wasaare_SaacidMuqdisho:-Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), ayaa cambaareeyey weerar kii Fashilmay ee uu nin naftiisa Hiligay ku soo qaaday meel ku dhow hoyga uu degan yahay oo ku yaala Xarunta Madaxtooyada. Weerarkan oo uu ku dhintay mid ka mid ah Askartii illaalada ka aheyd hoyga Ra’iisal Wasaaraha ayaa waxaa sidoo kale ku dhaawacmay saddex Askari, waxaana sidoo kale halkaasi ku Haligmay shaqsigii is qarxiyay, oo la aaminsan yahay inuu ka tirsanaa kooxaha Nabadiidka ah ee Al shabaab.

Shir jaraa’id oo uu qabtay Wasiirka Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Gaadiidka C/llaahi Ciil Mooge Xirsi ayuu ku sheegay in falkaasi uu ahaa mid Fashilmay ayna ka hortageen Askarta Dowladda ee illaalada ka ahaa Madaxtooyada, wuxuuna xusay in Xukuumadu ay ka hortagyso falalk ceynkan oo kale ah.

“Falkani wuxuu cadeyn u yahay sida Xukuumadu ugu howlan tahay Sugida Amniga maadaama laga hortegay ruuxii doonayay inuu isku qarxiyo Xafiisyada madaxda Dowladda” ayuu yiri  Ciil Mooge oo xusay in kooxaha Nabadiidku ay marayaan heer Naf la caari ah.

Wasiirka ayaa xusay in kooxaha Nabadiidka ah ay ujeedadoodu tahay in dalka Soomaaliya uusan noqon dal Xuduudo leh, isla markaana leh Dowlad matasha, balse Madaxda Soomaaliyeed ay aaminsan yihiin in Soomaaliya ay tahay Dal madaxbanaan oo Xuduudo leh, sidoo kalena leh Dowlad iyaga matashada oo ay shacabku raali ka yihiin.

 

Ugu dambeyntiina, Wasiirku waxa uu Tacsi u diray, isaga oo ku hadlaya magaca Xukuumada Qoyskii, Qaraabadii iyo Ummadda Soomaaliyeed, geeridii ku timid Askarigii saaka ku geeriyooday falkan Fuleynimada ah, isaga oo u rajeeyey kuwa dhaawaca ahna inuu alle Bogsiiyo.

—–DHAMAAD—–
Garad Salad Hersi
Press Officer PM Office

Mob.+252-61-5536608

Leave a comment

*

Archives
January 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online