Ra’iisul.Wasaaraha DFS oo Xafiiskiisa ku qaabilay Amb. Augustine Mahiga[War-saxaafadeed]

January 22, 2013 - Written by

saacidMuqdisho:-Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Q/midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Amb. Augustine Mahiga. Labada mas’uul ayaa ka wadahadlay arrimo dhowr ah oo ay ugu horeysay Horumarada Xukuumada, aqoonsiga Dowladda Mareykanka iyo sidoo kale Difaaca Xuquuda Aadanaha iyo Dib u dejinta Barakacayaasha Gudaha.

Shir jaraa’id oo ay wadajir u qabteen Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Mudane Saacid iyo Amb. Mahiga ayay ku faah faahiyeen ujeedada kulankan iyo natiijada. “Wakiilka Q/midoobay Amb. Mahiga waxaanu ka wada hadalnay waxyaabo badan oo ay ku jirto dadaalada Caalamku wado ee ku aadan Horumarka iyo taageerada Xukuumadda, wuxuuna inoo muujiyay sida ay u garab taagan yihiin Dowladda Soomaaliyeed” ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Saacid oo xusay in Amb. Uu ugu hambalyeeyey Dowladda Mareykanku aqoonsigii ay u muujisay dowladda Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Ra’iisal Wasaaraha ayaa xusay inay ka wada hadleen dhowrista Xuquuda aadanaha, gaar ahaana ka hortagga falalka ka dhanka ah Saxafiyiinta iyo dumarka. “Dowladdu waxay illaalineysaa isla markaana xushmad gaar ah u heystaa bahda warfaafinta oo iyagu u dhabar adeygay sidii ay bulshadooda iyo bulshada Caalamka ugu bandhigi lahaayeen xaaladdaha dhabta ah ee ka jira dalkeena” ayuu mar kale yiri R.wasaaruhu isagoo si gaar ah u xusay in ay talaabo adag ka qaadi doonaan kooxo uu ku tilmaamay Iimaan laawayaal ku xadgudba sharafka Gabdhaha Soomaaliyeed.

Wakiilka Xoghayaha Guud ee Q/midoobay Amb. Mahiga oo isna hadlay ayaa u sheegay warbaahinta inuu aad ugu faraxsan yahay inuu maanta la kulmo isaga oo ka wakiil ah Q/midoobay Ra’iisal Wasaare Saacid oo uu tilmaamay inuu yahay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumad Rasmi ah,  Sharci ah isla markaana ku timid si Dumuqraadi ah.

“Waxaan rabaa inaan hortiina ka caddeeyo in Q/midoobay ay aad u taageersantahay Dowladda Soomaaliyeed oo ah Dowlad matileysa Shacabkeeda” ayuu yiri Amb. Mahiga oo xusay in Q/midoobay ay balanqaadeyso inay gacan ka geysaneyso Dib u dhiska dalka iyo Hay’addihii Dowladda. Sidoo kale Amb. Mahiga ayaa tilmaamay in ay Dowladda ka taageerayaan Dib u dejinta Barakacayaasha Gudaha dalka ee tiradoodu gaareyso 1 Million, Nus Million ka mid ahna ay ku noolyihiin magaalada Muqdisho.

Amb. Mahiga ayaa uga mahadceliyay Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliyeed sida ay u muujiyeen siyaasada cad ee ay Dowladdu fulineyso wuxuuna hoosta ka xariiqay inay aad ula dhacsan yihiin Wadajirka iyo Nufnaanta ay muuiyeen. Ugu dambeyntiina, Ra’iisal Wasaaraha ayaa si gaar ah ula kulmay bahda Warbaahinta gudaha iyo Dibadda, isaga oo si dhow u weydiiyay tabashadooda iyo caqabadaha jira, waxayna warbixin dheer ka siiyeen aragtidooda ku aadan sida ay ula dhacsan yihiin Dowladda Soomaaliyeed iyo Horumarka ay sameyneyso, waxayna ka hadleen falalka liddiga ku ah Saxafiyiinta oo ay codsadeen in laga hortago falalkaasi. Isagoo R.wasaaruhu ka dalbaday inay iska soo dhex xulaan Guddi u hadla bahda Warbaahinta.

—DHAMAAD—

Garad Salad Hersi
Press Officer
Mob.+252615536608
Mogadishu, Somalia

Leave a comment

*

Archives
January 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online