Ra’iisul Wasaare Saacid Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Danjiraha Dowladda Talyaaniga

January 28, 2013 - Written by

IMG_9279Muqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon “ Saacid” ayaa saaka Xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Talyaaniga u qaabilsan Soomaaliya  Adrea Mazzela. Waxyaalaha ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa iskaashiga u dhaxeeya labada waddan. Kulan qaatay mudo saacad ah kadib ayaa waxaa saxaafadda si wada jir ah ula hadlay Ra’iisul Wasaare Saacid iyo Danjiraha Talyaaniga u Qaabilsan Soomaaliya.

Ra’isal Wasaare Saacid oo ka warbixinaya waxyaabihii ay ka wada hadleen DanjirahaTalyaaniga ayaa yiri.“Sida aynu ka warqabno waxaa ka dhexeeya Talyaaniga iyo Soomaaliya xariir taariikhi ah, waxaana aad uga mahadcelin taageerada hagar la’aanta ah ee dowladda Talyaanigu la garab taagantahay Soomaaliya, waxaana soo dhaweynayaa xariirka u bilaaban doona labada Dowladood, isagoona xariirkaan ka duwanaan doono xiriirkii ka dhexayn jiray labada waddan, waxaa sidoo kale dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeduba soo dhaweynayaan in xariirkaan hada bilowday uu noqdo mid miro dhalkiisu soo deg dego” Ra’iisul Wasaare Saacid ayaa intaa ku daray si loo xoojiyo wada shaqaynta labada waddan ay ka rajaynayaan Dowladda Talyaaniga in ay soo dadajiso furitaanka Safaradooda.

Dhanka kale danjirah Talyaaniga u qaabilsan Soomaaliya Mazzela ayaa dhankiisa xaqiijiyey in xiriir dhow ee dhex mara labada Dowladood uu yahay mid lagama maarmaan ah.“Waxaan mahad balaaran u soo jeedinayaa sida wanaagan ee Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ii soo dhaweeyey, waxaana balan qaadayaa in dowladda Talyaanigu ka taageeri doonto Soomaaliya horumarinta Gaashaandhiga, Cadaaladda, Waxbarashadda, Caafimaadka iyo Dib-U-Dhiska Dalka.

Safiirka Talyaaniga ayaa intaas ku daray in Dowladoodu ay la yeelan doonto xiriir siyaasadeed oo toos ah. Wuxuuna sheegay in Talyaaniga ay ka go’antahay sidii loo xoojin lahaa xiriirkaas, sidoo kale safiirka ayaa ku aamanay Xukuumadda Soomaaliya sida ay u muujisay wax qabad la taaban karo boqlka maalmood ee lagu dhex jiro.

Ugu danbayntii Ra’iisul Wasaare Saacid ayaa sheegay iin deeqaha Talyaanigu siiyo Soomaaliya loo maamuli doono si hufan oo miisaman, Dowladuna ay si adag uga horjeeddo wax is daba marinta, ayna bilwoday sidii gacan adag loogu qaban lahaaa musuq-maasuqa, waxaana dowladdu rajaynayaasaa in arinkaas laga dareemo dhamaan dalka oo dhan.

—–DHAMAAD—–

 Ahmed H faarah

Dhoodi222@gmail.com

Leave a comment

*

Archives
January 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online