Ra’iisulwasaraha DFS Cabdi Faarax Shirdoon iyo wafdi la socda oo gaaray Degmada Marka

January 31, 2013 - Written by

shirdoonMarka:-Wararka naga soo gaaray magaalada Marka ee xarunta gobalka Sh/hoose ayaa sheegaya in uu halkaas soo gaaray Wafdi uu hogaaminayo R/W DFS Cabdi Faarax Shirdoon waxaa wafdi Raisuwlwasaaraha soo dhaweeyey masuuliinta maamulka gobalka iyo kan degmada Marka .

Raisulwasaaraha DFS ayaa waxaa socdaalkiisa ku weheliyey wasiirada kala ah Wasaaradda G/dhiga DFS  C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi,Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka C/kariin Xuseen Guuleed,Wasiirka Warfaafinta,Isgaarsiinta iyo Gaadiidka C/laahi Ciilmooge Xirsi,Wasiirka Maalliyadda iyo Qorsheynta Maxamuud Xasan Suleymaan ,Taliyaha Ciidammada Xoogga DFS Jen C/qaadir Sheekh Cali Diini, Taliyaha Ciidammada Booliska Jen Shariif Sheekh Unaa Maye Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad Sugidda  Eng Axmed Macalin Fiqi,iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka DFS.

Raisulwasaaraha DFS Cabdi Faarax Shirdoon ayaa waxaa uu kulamo kala duwan la yeeshay waxgaradka iyo masuuliinta gobalka Sh/hoose waxaana uu khudbad kooban u jeediyey dhamaan dadweynihii ku soo dhaweeyey degmada Marka.

Raisulwasaaraha DFS ayaa saaka diyaarada nooc qumaatiga u kaca ka soo raacay magaalada Muqdisho isaga oo ku degay deegaanka Shalanbood waxaana uu u sii gudbay Degmada Marka.

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online