R/W DFS Cabdi Faarax Shirdoon oo ka badbaaday qarax lagu khaarajin lahaa

January 29, 2013 - Written by

villaMuqdisho:-Warar lagu kalsoon yahay oo naga soo gaaray xarunta Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax ismiidaamin ah lala beegsaday afafka hore ee xafiiska Ra’iisul wasaaraha DFS Cabdi Faarax Shirdoon xili uu ku sugnaa xafiiskiisa.

Qaraxa ayaa waxaa ku dhintay sida lagu helayo warar hordhac ah hal askari 6 kalena wey ku dhaawacmeen  kuwaas oo dhamaantood ahaa ilaalada xafiiska Raisulwasaare Saacid.

Sarkaal ka tirsan Madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa sheegay qofka isqarxiyey uu isku qarxiyay inta u dhaxeysa xarunta nabad-sugidda iyo xafiiska Raisulwasaare Saacid ka dib markii uu toogtay askari ka tirsan ilaalada Ra’iisulwasaare Saacid.

Ra’iisulwasaare Saacid ayaa wax dhib ah kama soo gaarin qarax saaka ka dhacay afafka hore ee xafiiskiisa sida wakaalada wararka ee AFP uu u sheegay sarkaal ka tirsan xarunta Madaxtooyada.

Ra’iisul wasaaraha DFS Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa la filayaa  inuu shir jaraa’id uu qabto goor dhow si uu u faah  faahiyo qaraxa ka dhacay afafka hore ee xafiiskiisa.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online