Shirkadda Isgaarsiinta Ee Golis Telecom Somalia oo talaagaddaha maydka ku wareejisay Cusbataalka Boosaaso (Masawiro)

January 19, 2013 - Written by

 image004Boosaaso:-Munaasabadaas talagadda lagu wareejinaayo ayaa ugu horeyntii waxaa ka hadlay Hoggaanka Xafiiska Xiriirka Dadweynaha Shirkadda Golis Md.Faarax Xaaji Mire isagoo sheegay in shirkaddu goor walba ay u taagan tahay waxtarka bulshada .

Hogganku wuxuu hadalkiisa ku daray in talaagadan la geliyo meydka baahi weyn loo qabey maadaama Bosaaso ay tahay magaalo kulul ayna dhib tahay in meydku wakhti badan uu banaanka oolaado, sidoo kale waxa mararka qaarkood dhaca shilal loo baahdo in dadka ku dhinta la helo eheladoodii oo ay dhici karto inay wakhti ku qaadato inay soo gaaraan.

Hoggaanku wuxu ugu dambayntii  ku guubaabiyey ganacsatada iyo bulsha weynta inay sii wadaan waxqabadka Cusbataalka oo baahi weyni ka jirto.

Hadalka Hogganka Xiriirka Dadweynaha ka dib, waxaa sidoo kale munaasabaaska hadlay  agaasimaha guud ee Cusbataalka Bosaaso Dr.C/Laahi Siciid Aw Muuse isagoo u mahadceliyey shirkadda Golis sheegayna waxtarka wax-ku-oolka ah ay bulshada  u hayso.

no images were found

Wuxuuna yiri “ aad baanu ugu baahnayn in aan talaagad maydka la galiyo uu cusbatalku yeesho, in badana waan sugaynay in arinkaas la dar dar geliyo,waxaana nasiib u yeeshay in ay mashruucaas fuliyaan shirkadda Golis”.

Agaasimuhu wuxuu hadalkiisa ku daray in talaagadda maydku ay yeelan doonto sharciyo ay ka mid tahay in loo ogolyahay dadka in qofka maydka ah uu ku jiro talaagadda mudo dhan:  maalinkii 6saac habeenkiina 12saac qofka ehelkiisa la sugaayo 24saac.

Wixii intaas ka badan nadaam gaara oo Cusbataalku u dejiyey ayaa lagu maamuli doonaa.

Ugu danbeeyntii  waxa soo gunaanadey Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Md.Siciid Xuseen Ciid oo uga mahad celiyey ganacsatada gacantii ay ka geysteen dhismaha weyn ee Cusbataalka ,tilmaamyna in baahi weyn loo qabey talagadaan isagoo xusay in meydku u baaahan yahay xanaanadii uu u baahnaa markii uu noolaa mid la mid ah.

Halgan.net
Boosaaso

Leave a comment

*

Archives
January 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online