Soomaalida ku nool Nairobi gaar ahaan Islii oo ay soo wajahad cabsi balaaran

January 20, 2013 - Written by

Farah_Maalim_KenyaNairobi:-Sida xalay laga sheegay Taleefishinka Nation ee dalka Kenya, war ka soo baxay dowladda Kenya, ayaa lagu sheegay in laga bilaabo maalinta berri ah ee inagu soo aaddan ay magaalooyinka ka bilaaban doonto howlgallo balaaran oo lagu daad gureynayo dadka qoxootiga ah ee Soomaaliyeed, kuwaasoo la geyn doono xeryaha qoxootiga.

Warkan ayaa lagu sheegay in marka hore dadka leysugu geyn doono garoon ku yaaladda magaalada Thika ee duleedka magaalada Nairobi, kaddibna dadka loo rari doono xeryaha qoxootiga ee dalka Kenya.

Arrintan ayaa dareenkeeda leh, maadaama ciidamada Kenya lagu yaqaano inay dhibaato aad u badan Soomaalida u geystaan marka howlgallo loo diro, waxaana dhibaatooyinkaas ka mid ah: dhac, xirid, kufsi iyo tacadiyo kale.

Dalka Kenya, ayaa xiligaan aanu baarlamaan ka jirin, maadaama xiligiisii dhamaaday oo la kala diray, waxaana dalku jiraa marxalad kala guur ah, taasoo laga cabsi qabo in wax badan isku dhex yaacaan.

Dhawaan ayey aheyd markii xadgubyadii ciidanku ku hayeen Soomaalida uu hakaday, ka gadaal markii Madaxda Soomaalida ee dowladda Kenya ku jirta ay si adag uga hadleen dhibaatada dadkooda lagu hayey.

Hoos ka dhageyso warbixinta Tv NTV ka diyaariyey warqad ka soo baxday xafiiska madaxweynaha Kenya

Somalireal/Halgan.net

Leave a comment

Archives
January 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online