Wafdi uu hogaaminayo wasiirka G/dhga DFS oo ambabaxay Kenya iyo Ugandha

January 9, 2013 - Written by

Muqdisho:-Wasiirka G/dhiga ee DFS Cabdixakiin Maxamuud Xaaji Fiqi  iyo wafdi uu la socda ayaa saaka  u ambabaxay dalalka Kenya iyo Uganda waxaana wasiirka socdaalkiisa ku weheliyey saraakiil ka tirsan ciidamada DFS .

Wasiirka ayaa waxaa uu kulan la qaadan doonaa wasiirada G/dhiga ee dalalka Kenya iyo Uganda kuwaas oo ay ciidamo tiro badan ay ka joogaan gudaha dalka Soomaaliya waxaana ay ka wada hadli doonaan howlgallada ay ciidamada AMISOM iyo ciidanka DFS ay kula dagaalamayaan Ururka Al-Shabaab ,horumarinta iyo tababarrada ciidamada DFS iyo sidii loo qalabeyn lahaa.

Wasiirka G/dhiga ee DFS Cabdixakiin Maxamuud Xaaji Fiqi  ayaa inta uusan ka dhoofin Garoonka Aden Cadde wuxuu la hadlay warbaahinta waxaana uu baaq u diray Muhaajiriinta ka garab dagaalama Al-Shabaab isaga oo ku eedeeyey in ay danbiyo ka soo galeen dalkooda wuxuuna ugu baaqay in ay dalka isaga baxaan.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

231,959 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>