Wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya oo Muqdisho soo gaaray

January 8, 2013 - Written by

Muqdisho:-Waxaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho wafdi uu hogaaminayo wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Mr.Annadif Mohamat Salah waxaana garoonka Diyaaradaha ee Aden Cadde ku soo dhaweeyey taliyaha ugu sareeya ciidamada AMISOM .

Wafdiga wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya  ayaa waxaa loo galbiyey xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya waxaana uu halkaas kulan kula qaatay Madaxweynaha DFS Dr.Xasan Sheekh Maxmuud iyo Raisulwasaaraha DFS Cabdi Faarax Shirdoon Saacid .

Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxmuud iyo wafdiga Wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ayaa waxay ka wada hadleen xaalada dalka uu ku sugan yahay iyo isbedalka dhanka amniga ah waxaana wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya uu balan qaaday in ay ka taageeri doonaan DFS dib u habeynta ciidanka DFS .

Markii uu soo idlaaday kulankii dhexmarey madaxada DFS iyo wafdiga wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ayaa waxaa saxaafada la hadlay wasiirka arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka C/kariim Xuseen Guuleed waxaana uu saxaafada u sheegay in wafdi ka socda DFS uu ka qeyb gali doono Shir ka furmi doona magaalada Adisababa kaas oo AU uga hadli doonto xaalada Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM ee haatan ku sugan Soomaaliya .

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online