Wasiiro ka tirsan xukuumada Puntland oo soo gaaray magaalada Gaalkacyo

January 11, 2013 - Written by

Gaalkacyo:-Waxaa soo gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug wasiiro iyo wasiiro ku xigeeno ka tirsan Xukuumada Puntland kuwaas oo ka soo ambabaxay magaalooyinka Garoowe iyo Boosaaso waxaana wasiirada la socda ciidamo ka tirsan Daraawiishta Puntland iyo kuwa Badda.

Wasiirada soo gaaray magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa ka mid ah wasiirka Caafimaadka ee Puntland Dr.Cali C/laahi Warsame, wasiirka Sport-ga Cabdiweli Xersi ,wasiirka Deegaanka C/qani Maxamed,wasiirka Maamulwanaaga Puntland Faarax Ciise (Gaashaan)

Waxaa sidoo kale soo gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug wasiir ku xigeenada arimaha gudaha Cali Yuusuf (Xoosh),wasiir ku xigeenka Maaliyada  C/raxmaan Maxamuud Xaaji Xasan,wasiir ku xigeenka duulista iyo hawada C/qani Geele Maxamed,wasiir ku xigeenka deegaanka Burhaan Cilmi Xirsi.

Wafdiga wasiirada iyo wasiiro ku xigeenada ayaa waxay ku soo hakadeen deegaanka Jeedalow iyaga oo ka qeyb galay caleemo saarka Fiqi Bashiir Cabdule Cismaan oo ka soo biiray isimada Puntland.

Ilaa haatan ma cada Ujeedada ay wasiirada iyo wasiiro ku xigeenada ay u yimaadeen magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug iyaga oo ay galbinayaan ciidamo tiro badan.

Socdaalka wasiirada iyo wasiiro ku xigeenada xukuumada Puntland ayaa ku aaday xili ay siyaasiyiin ka soo horjeeda xukuumada Madaxweyne faroole ay ku sugan yihiin magaalada Gaalkacyo .

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

Archives
January 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online