Wasiiro ka tirsan xukuumada Puntland oo soo gaaray magaalada Gaalkacyo

January 11, 2013 - Written by

Gaalkacyo:-Waxaa soo gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug wasiiro iyo wasiiro ku xigeeno ka tirsan Xukuumada Puntland kuwaas oo ka soo ambabaxay magaalooyinka Garoowe iyo Boosaaso waxaana wasiirada la socda ciidamo ka tirsan Daraawiishta Puntland iyo kuwa Badda.

Wasiirada soo gaaray magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa ka mid ah wasiirka Caafimaadka ee Puntland Dr.Cali C/laahi Warsame, wasiirka Sport-ga Cabdiweli Xersi ,wasiirka Deegaanka C/qani Maxamed,wasiirka Maamulwanaaga Puntland Faarax Ciise (Gaashaan)

Waxaa sidoo kale soo gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug wasiir ku xigeenada arimaha gudaha Cali Yuusuf (Xoosh),wasiir ku xigeenka Maaliyada  C/raxmaan Maxamuud Xaaji Xasan,wasiir ku xigeenka duulista iyo hawada C/qani Geele Maxamed,wasiir ku xigeenka deegaanka Burhaan Cilmi Xirsi.

Wafdiga wasiirada iyo wasiiro ku xigeenada ayaa waxay ku soo hakadeen deegaanka Jeedalow iyaga oo ka qeyb galay caleemo saarka Fiqi Bashiir Cabdule Cismaan oo ka soo biiray isimada Puntland.

Ilaa haatan ma cada Ujeedada ay wasiirada iyo wasiiro ku xigeenada ay u yimaadeen magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug iyaga oo ay galbinayaan ciidamo tiro badan.

Socdaalka wasiirada iyo wasiiro ku xigeenada xukuumada Puntland ayaa ku aaday xili ay siyaasiyiin ka soo horjeeda xukuumada Madaxweyne faroole ay ku sugan yihiin magaalada Gaalkacyo .

M_M Deeq
Halgan.net

1 Comment so far

Leave a comment

  1. asc,
    qoraagu waa mahadsan yahay waxaanse u cadeynayaa wasiiradu in ay u yimaadeen haw madaxweynuhu u soo igmaday oo ahayd caleemo saarka fiqi bashiir c/lle

Leave a comment

*