Xaalada guud ee Gobollada Puntlland oo saaka degan.[Warbixin kooban]

January 8, 2013 - Written by

Boosaaso:-Xaalada guud ee Gobollada Puntlland ayaa saaka ah degan oo caadi ah  iyadoo maanta ay ku beegan tahay 8-dii Janaayo 2013 00 ku astaysan xiliga uu ku egyahay markii xilka loo igmada xukuumada uu hogaaminayo madax weynaha Puntlland Dr Cabdiraxmaan Faroole sidda ay sheegeen mucaaradka dowllada Puntland iyagoo ku doodaya in ay ahayd in maanta la qabto doorasho.

Dhinac Madaxda dowllada Puntlland ayaa ku adkeysanaya in dastuurka Puntlland uu u ogalaanayo in ay  mudo sanad kale ah ay xilka sii hayaan iyadoo arinkaas ay go,aamiyeen Isimmo, nabadoon, siyaasiyiin iyo waxgarad kale xiligii la ansixinayey dastuurka cusub ee Puntlland, haddaba xiriiro kale duwan oo ay wariyaasha Halgan.net la sameeyeen degaanada Puntlland oo kale duwan ayaa xaaladu saaka tahay mid degan ilaa hadda.

Garoowe : magaalda garoowe oo ah caasimada Puntlland ayaan ilaa hadda mucaaradka dowllada Puntlland aysan ku guulaysan in ay ka hellan siyaasiyiin ka soo horjeeda dowllada waxaan sabab u ah baa la oran karaa dowllada oo awood ku leh magaalada  iyo xubnaha 2 gole ee dowllada Puntlland oo ku biiray ururka Horseed ee dowllada.

Gaalkacyo:Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa saaka la arkayey ciidamo dhex maray magaalada oo la socoda dhaq dhaqaaqa dadweynaha  halka ciidamo kale ay sugayaan xarumaha dowllada  ee ku yaal magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.
mana jirin wax banaanbax ah.

Qardho: magaalada Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar ayaa ah ilaa hadda mid degan marka loo eego banaanbaxyo  ay soo abaabuleen mucaaradka dowllada Puntlland oo ka dhacay magaalada iyadoo taasi ay ugu wacan tahay waxaa magaalada ku sugan Gen Cabdullahi Sicid Samatar oo ahaa wasiirkii hore amniga ee dowllada Puntlland ahna siyaasiyiintii wax ka yagleelay aasaaskii Puntlland saaxiibo badan ku leh Puntlland.

Boosaaso: magaalada Boosaaso ee xaunta ganacsiga Puntlland ayaa ah magaalo muhiim u ah mucaaradka iyo dowllada Puntlland mana jiraan wax banaanbax oo ka dhacay ilaa iyo intii ay qaylo dhaanta ay bilaabeen mucaaradka Puntlland walow ay jirtay in la xiray rag gacan saar la lahaa mucaaradka oo ku sugan Boosaaso.

Dowllada Puntlland ayaa culus xooggan oo ah mid siyaasadeed iyo mid ciidan dul dhigtay magaalada Boosaaso iyagoo ku guulaystay in mucaaradku aysan u hellin fursad ay ku abaabulaan banaanbaxyo lid ku ah dowllada. Magaalada Boosaaso ayaa waxaa in mudo ah ku sugan madaxweynaha Puntlland Dr Cabdiraxmaan Faroole iyo qaar ka mid ah wasiiradiisa gaar ahan wasiirka  amniga Col. Khaliif Ciise Mudan iyo saraakiil ka tirsan ciidanka daraawiishta , Booliska , Nabadsugida iyo ciidanka Badda Puntlland.

Magaalooyinka kale duwan ee degaanada Puntlland ayaa saaka waxaa ay madaxda dowllad Puntlland ay ka wadaan abaabul ay ku doonayaan in ku sameeyaan Xaflad lagu xusayo Sanadguuradii 4aad ee ka soo wareegtay markii xilka loo doortay Madaxweynaha dowllada Puntlland Dr Cabdiraxmaan Faroole iyo Golahiisa wasiirada.

Madaxweynaha Puntlland ayaa la filayaa in uu ka jeediyo xaflada sanadguurada 4aad ee ka dhacaysa Boosaaso khudbada uu uga hadli doono xaalada Puntlland , mucaaradka ka soo horjeeda, dagaalo iyo weeraro dhexmaray ciidanka daraawiishta Puntlland iyo ururka al-shabaab iyo wax u qabsoomay dowlladiisa ilaa intii uu xilka hayey.

Mucaadaradka dowllada Puntlland ayaa iyagana la filayaa in ay la hadli doonaa saxaafada iyagoo ka warami doona xaalada Puntlland iyo wax ay tahay u jeedadooda siyaasadeed , shacabka ku dhaqan degaanada Puntlland ayaa iyagu waxaa ay doonayaan nabadgelyo iyo amaan iyagoo ilaa xad ka soo horjeeda in wax qalalaaso aha ay ka dhacaan degaanada Puntlland oo dhan.

Dhinac Gobolka Sanaag  guud ahaan gaar ahaan magaaloyinka , Badhan , Xingalool , Laasqoray , Dhahar iyo magaalooyinka kale ayaa ilaa intii uu bilowmay buuqa siyaasadeed iyo mucaaradka dowllada Puntlland ahaa mid degan oo xasiloon mana jirin wax keeni kara khal khal siyaasadeed iyo nabad gelyo xumo.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online