Xaruntii Ururka Siyaasadeedka Midnimo ee magaalada Gaalkacyo oo boorarkii laga burburiyey

January 27, 2013 - Written by

2Gaalkacyo :-Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug ayaa sheegaya in dhalinyaro careysan ay maanta burburiyeen boorka Xafiiska Urur Siyaasadeedka Midnimo ee magaalada Gaalkacyo oo maanta la daahfuri lahaa.

Qaar ka mid ah siyaasiyiinta ka soo horjeeda xukuumada Puntland ayaa soo abaabulay dhalinyaro kuwaas oo fujiyey boorka hore ee xafiiska Midnimo waxaana ay ka biyo diideen in laga furo xafiiska xisbiga Midnimo iyaga oo ku eedeeyey in uu xisbigu taageero  Dr.C/raxmaan Faroole Madaxweynaha Puntland waloow uu eedeyntaas diiday  Gudoomiyaha Urur Siyaasadeedka ee Midnimo Dr Saadiq Eenow.

Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug ayaa waxaa horey looga furay laba Xisbi Siyaasadeed oo kala ah UDAD iyo Wadajir balse waxaa la aqoon wax lagu qoonsaday Ururka Midnimo oo uu gudoomiye u yahay Dr.Saadaq Eenow oo ku sugan magaalada Gaalkacyo.

Gudoomiyaha Urur Siyaasadeedka ee Midnimo Dr Saadiq Eenow ayaa kulamo kala duwan la leh Isimada iyo waxgaradka iyo Maamulka iyo kan degmada Gobalka Mudug waxaana uu sheegay in ay Xafiis ka furan doonaan magaalada Gaalkacyo iyo Buuhoodle waxaana kale uu cadeeyey in xisbigooda uu yahay mucaarad isbadel doon ah.

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online