5Qof oo afduub ay u heysteen Maleeshiyaad ka tirsan Galmudug oo la sii daayey

February 23, 2013 - Written by

GGaalkacyoaalkacyo:-Waxaa maanta la sii daayey dhalinyaro ay horey u afduubeen Maleeshiyaad ka tirsan Galmudug waxaana xaflada sii deynta lagu qabtay Hotelka AMBAZI oo ku yaal Koonfurta magaalada Gaalkacyo .Xaflada lagu sii daayey dhalinyarada reer Puntland ayaa waxaa ka soo qeyb galay Masuuliiin ka tirsan Maamulka Galmudug

Xaflada ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Madaxwaynaha Kuxigeenka Galmudug Cabdisamad Nuur Guuleed ,Isimo ,Nabadoono ka soo jeeda labada Maamul ee Galmudug iyo Puntland .

Masuuliinta Maamulka Galmudug ayaa ugu baaqay Puntland iyo dhalinyarada kale ee ka tirsan Galmudug ee heysata in la sii daayo dhamaan maxaabiista ay heystaan labada dhinac.

Madaxwayne Kuxigeenka Galmudug  Cabdisamad Nuur Guuleed ayaa ugu baaqay dhamaan dadweynaha Galmudug iyo Puntland in ay ka shaqeeyaan nabada wuxuuna codsi u diray Maamulka Puntland in ay sii daayeen  qof  u dhashay Galamudug oo Puntland ku eedeysay in uu ka mid yahay kooxda Al-Shabaab.

Qaar ka mid ah Isimada iyo waxgaradka Maamulada Galmudug iyo Puntland ayaa ugu baaqay dad walaalaha ah ee wada dhashay in ay nabad ku wada noolaadaan waxayna ka digeen dhagarta kooxda Al-Shabaab ee raba in ay qoorta isku galiyaan labada shacab si ay danahooda gaarka uga fushadaan .

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online