Banaanbax looga soo horjeedo Al Shabaab oo ka dhacay magaalada Garoowe(Masawiro)

February 24, 2013 - Written by

banaanbaxGaroowe:-Waxaa maanta ka dhacay magaalada Garoowe Banaanbax looga soo horjeedo UrurkaAl-Shabaab waxaana ka soo qeyb galay dadweyne aad u balaaran Sh. Cabdiqani Qorane Maxamed ayaa ugu horeeyey dadkii ka hadlay banaanbaxa wuxuuna Mahadnaq uu usoo jeediyey Allaah kadibna geesiyaasha reer Garoowe ee ku guuleystay in iyagoo faramaran ay soo qabtaan dhagarqabihii dilay sheekha ee hubeysnaa. Sh. Wuxuu xusay in isu soo baxaan taariikhiga ah magaciisu yahay ‘Maalinkii Carada” kaasoo ka dhashay dilkii waxashnimmada ahaa ee Al-Shabab u gaysteen Sh. Cabdulqaadir Nuur Faarax., wuxuuna hoosta ka xarriiqay inuu baal cusub oo taariikheed furmay maanta.

Bannaan bax ballaaran oo ay soo qaban qaabiyeen dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada , sida; Culimmada, Maamulka Isimmada, aqoonyahanka, Ardayda, Ganacsata iyo qaybaha kale ee bulshadda ayaa manta ka dhacay barxada wayn ee Caasimda Puntland, Garoowe.

Baanan baxan ayaa lagu muujinayey sida looga caraysan yahay Shabaab dilkii ay u gaysteen Caalimkii Dacwada Soomaaliya aabayaasheeda ka mid ahaa, Sh. Cabdulqaadir Nuur Faarax, illaahay ha u naxariistee Jimcihii lasoo dhaafay, 02 /15/2013

Waxaa kasoo qayb galay dadweyne aad u badan halka qaar kale ay kala socdeen warbaahinta oo si live ah u tabineysay Banaanbaxa Waxaa la xiray dhammaan magaalada, Iskuulada iyo ganacsiga qofkastana wuxuu xil iska saaray siduu qayb uga qaadan lahaa banaanbaxaan lagu muujinayo, sida looga caraysan yahay Shabaan iyo Shirqoolkooda.

Waxaa ka hadlay Banaanbaxa ka hadlay culimmo uwdiin, Isimo iyo Madaxwaynaha Puntland.C/raxmaan Maxamed Faroole.

Sh. Mohamud  Xaaji Yuusuf oo kamid ah Culimmada waa wayn ee Garoowe, islmarkaana ah Madaxa Jaamacadda Bariga Afrika, faraca Garoowe, ayaa shacabka ku wacdiyey inaysan shabaab diin illaahay ku socon ee ay yihiin cadowga diinta, taasoo Sheikhu sheegay in qof illaahay iyo diintiisa wuxuun rajo ah ka leh uusan Muslimiinta masaajidka ku ugaarsan, culimmadana uusan dilin iyagoo rukuucsan.

Sidoo kale waxaa ka hadlay Madaxa fulinta ee Jamaacada Al-ictisaam kana mid ah Culimmada Soomaaliyeed Sh. Axmed Cabdisamad, hadalkiisana wuxuu ku bilaabay Su’aal uu dadwaynaha waydiiyey oo ah inay diyaar u yihiin inay dagaalka Alshabaab kawada qaybqaataan, dadwaynihii mudaaharaadka ka soo qaybgalay ayaa cod dheer ku jawaabay HAA.

no images were found

Sh. Axmed ayaa xusay in midnimmada ay reer Garoowe u midoobeen la dagaalanka kooxda Alshabaab ay hordhac u tahay in Soomaali oo dhan ku midowdo ladagaalanka Shabaab. Wuxuuna ku baaqay in Soomaali Islaamnimada ay wada qabsadaan, kuna walaaloobaan, ayna mowqif midaysan ka yeeshaan khawaarijta, si wadajir ahna ula dagaalamaan.Wuxuu kaloo sheegay in shabaab ay jabeen ee meel looga soo wada jeesto sidii  la isku raacin lahaa.

Sheikh Axmed ayaa reer Garoowe ugu baaqay inay qabtaan shir waxgarad koodu isugu imaanayo oo arintan looga tashanayo, ka dibna shirwayne  Soomaaliyeed oo si guud looga arinsanayo hagardaammada Shabaab loogana  gubo.

Waxaa goobta isna ka hadlay Suldaan Garaase oo ka mid ah issimmada ugu caansan Puntland, wuxuuna yiri hadaan nahay reer Puntland gaar ahaan reer Garoowe sida aad ogtihiin dilkii Sh. Cabdulqaadir indhaha ayaa la inga riday, waxaa qofkasta oo reer Garoowe ah ama reer Puntland waajib inagu ah inaan Sh. Cabdulqaadir u aaro wacadna waxaa uu ku maray in dhiiga Sheekh C/qaadir Nuur uusan noqon doonin biyo.

Waxaa shirka soo gabagabeeyey Madaxwaynaha Puntland Mudane C/raxmaan Maxamed Maxamud (Faroole) isagoo u mahadceliyey sida isku duubnida leh ee Culimmada iyo shacabku uga qayb qaateen ladagaalanka. Sidii geesiyaashii hareeraha ka raacay oo baacsday gacan ku dhiiglayaashii oo aan ahayn mid iyo labo.q kuna booriyey inay siiwadaan dadaalkooda.

Sidoo kale faroole ayaa ka warbixiyey in dad badan laqabqabtay oo ay ku jiraan kooxdii Sh. Cabdulqaadir dishay iyo dad kale oo konton gaaraya oo lagu tuhunsanyahay inay shirqoolada dadka lagu laayo qayb ka yihiin, kuwaasoo rag iyo dumarba isugu jira.

Madaxwaynaha ayaa ugu baaqay in dadwaynuhu la shaqeeyaan hay’adaha amniga, soona sheegaan cidkasta oo ay tuhmaan, inaan guri laga kirayn, inaan gaari lagu qaadin cid aan lagaranayn ama aan damiin keensan, iyo inaan laga daba imaan kuwa la qabto. Iyo inaan dagaalka ka bilaabayno kuwa guryahagaya ku jira. Wuxuu kaloo ku baaqay in cidii gacan ka gaysata soo qabqabashada abaal marin lasiin doono.

Kadibna waxaa bilowday socod lug ah oo dadwanuhu magaalada ku marayaan iyagoo wata boorar ay ku qoran yihiin hal ku dhigyo ka dhan ah Shabaab kuna dhawaaqayo ereyo ay kaga soo horjeedaan kooxda caadeysatay dhibaateynta ummadda ee Alshabaab.

 codadka dib baan idiinka soo gudbin doonaaa Inshalaah

Halgan.net
Garoowe

1 Comment so far

Leave a comment

  1. alshabaab balo idin la tagtay bal sheekh c/qaadir iyo dr axmed xaaji maxay u dileen???????????

Leave a comment

*