Beenaalayaashii khasaaray!W/Q Sheekh Xasan Maxamed Ibraahim (Abu Xasaan)

February 24, 2013 - Written by

Maqaal-300x158Dilka Sheekh C/qaadir Nuur Faarax alle ha u naxariistee dad badan ayaa ka qayb qaatay oo sharci ahaan mudan in loo qisaaso, dilkiisuna kuma koobna gacan ku dhiiglihii xabbadda sheekha ku dhuftay kaliya ee waxaa  jira afku dhiiglayaal banneeyay dilka sheekha iyo culimada soomaaliyeed inteeda badan oo diin ka dhigay in culimadaas xaramka iyo xilligaba lagu laayo! sidoo kale waxaa jira   qalin ku dhiiglayaal culimo uu sheekhu ka mid yahay muddo aan yareyn been abuur la daba taagnaa, oo hadh iyo habeenba ku howlanaa sidii ay culimada sumcaddooda wax ugu dhimi lahaayeen.

Qalin ku dhiiglayaashaasi waxay waagii baryaba soo daabacayeen hadal runtu ku yartahay oo aflagaaddo iyo cay u badan, waxay gaadheen in sheekha oo safarro dibadeed ku jira  ay soo daabacaan  in uu ciyaaro garoowe ka furmayay wax ka furay! Alle ha u naxariistee wuxuu sheekhu noo sheegay in dad badani xilligaas beenta laga faafiyay ay soo weceen isaga oo nayroobi jooga oo ay weydiiyeen meesha uu joogo ka dibna uu ku yidhi sow ma arkeysaan taleefanka aad igala hadleysaan waddanka uu yahay?

Qalin ku dhiiglayaashaasi waxay gaadheen in ay isku dayaan in sheekhu khayrkii uu sheegaba ay xumaan u baddalaan,hadal wacdi ah oo qofkii iimaan leh anfacaya oo  uu sheekhu ka jeediyay shir soomaali isugu timid oo garoowe ka dhacay ayey ka dhigeen in sheekhu gaalo iyo amisom u duceeyay! Markii hadalkii sheekhu jeediyay oo maqal iyo muuqaal ah saxaafadda la soo galiyayna been abuurkoodii mayna joojinin, markii beeni soo xidhantana mid kale ayey sii curiyaan!.

Ragga beentaas aan geedka loogu soo gabbanin sheekha ka qorayay ma ayna aheyn dad aan sheekha aqoonin oo looga been sheegay ee waxay ahaayeen rag u badheedhaya beenta ay sameynayaan oo iyagu allifaya ka dibna faafinya iskuna dayaya in ay beentaas sii wadaan ilaa laga rumeysto!.

Raggaasi in beentu xaaraan tahay mayna garan waayin, in culimo lagu been abuurto dhibta ay leedahayna kama daahneyn laakiin danbigaas iyaga oo og ayey u badheedhyeen maxaa yeelay danbiyo ka sii wayn ayeyba u badheedhyeen oo dilka sheekhu ugu danbeeyay alle ha u naxariistee.

Ragga been hawaasyada ah ee ay caadada u aheyd in ay culimada ku been abuurtaan hadh iyo habeenbana caayaan ummad badan oo shanta qaaradood kala joogta  oo kuwo ay qaraabo yihiin ku jiraan ayaa yaqaannay, in kasta oo ay isku dayeen in ay is qariyaanna ilaahay uma ceeb asturin nin kastana maqaaladii beenta ahaa ee uu qoray dadku way wada ogyihiin.

Sheekh C/qaadir alle ha u naxariistee wuu wada ogaa beenaalayaashaas  danna kama laheyn, waliba raggaas beenta qori jiray qaarkood oo garoowe la jooga ayuu gabbaad uga ahaa in la xidho, haddii loo sheegana wuxuu odhan jiray iska daaya ilaahay baa fadeexadeyn doona wixii dhib wada e, shaki la’aanna ilaahay maanta beenaalayaashii wuu kashifay.

Ragas beenaalayaasha ah ee ay shaqada u aheyd in ay culimada ku been abuurtaan waxay u jeeddadoodu aheyd in ay culimada sumcaddooda dilaan, si kalmaddooda lagu qabo u lunto, teegeerada ay bulshada ku dhexleeyihiin u baaba’do ama u yaraato, si loo waayo cid u damqata markii ay dilaan, dadkuna isu dhahaan awalba wadaadkaas la dilay waxbaa laga sheegayay! Si aan loogu kicin ururka al shabaab ee ka shaqeynaya gumaadka culimada iyo waxgaradka umamadda indhaha u ah.

Beenaalayashaas waxay la aheyd in dicaayaddii iyo been abuurkii ay sanadaha wadeen ay wax u dhimay sumcadda sheekh C/qaadir waxayna la aheyd in dad badani beentoodii rumeysteen, geerida sheekhuse – alle ha u naxariistee- waxay ina tustay in beenaalayaashii khasaareen, kharashkii iyo dadaalkii beentaas ka galayna uu ka noqday hal bacaad lagu lisay.

Janaasadii sheekhuna waxay daliil cad u aheyd in beentii nimankaasi ayna sheekha waxba u dhimin in  ay wax u siyaadiso mooyaane, sidoo kale tacsiyooyinka aan xisaabta laheyn ee dibad iyo gudeba umaddu ka soo wada dirtayna waxay daliil u ahaayeen in beenalayaashu naftooda uun ay wax yeelleynayeen ee ayna sheekha iyo manhajkii uu xanbaarsanaa midna waxba u dhimin.

sidoo kale in beenaalayaashii khasaareen waxaa daliil muuqda u ah mudaaharaadkii bllaadhnaa ee maanta ay isugu soo bexeen bulshada reer garoowe ee ay ku muujinayeen sida ay uga cadheysanyihiin dilkii sheekha iyo sida ay diyaarka ugu yihiin in ay ka hortagaan ururka al shabaab ee hororka ah,dadkii faraha badnaa ee lagu qiyaasay in ay gaadhayeen labaatanka kun ee maanta garoowe isugu soo baxay ee shaqooyinkoodii ka soo tagayna ma jirin cid kharash ku bixisay ama dadka soo khasabtay ee waxaa dadka soo bixiyay sida uu sheekhu qalbigooda ugu waynaa.

Cajaa’ibka la arkayna waxaa ka mid ahayd in raggii qori jiray been abuurka ee aan ilaa hadda wali joojin ay warbaahinta sheekha uga tacsiyeeyeen iyaga oo leh sheekha dulmi baa lagu dilay!raggaasi ma rabaan in ay qirtaan ama ka towbad keenaan beentii ay sheekha iyo culimada la midka ah ka sheegayeen waxayse si dadban dadka u tuseen in ay beenaalayaal ahaayeen mar haddiiba ay maanta ka tacsiyeynayaan sheekha geeridiisa, kuwii dilay oo isla iyaga ahna ay leeyihiin xaq darro ayey ku dileen.

W/Q Sheekh Xasan Maxamed Ibraahim

8 Comments so far

Leave a comment

  1. AS,
    Shiikh allaha ha kaa abaal mariyo, kuwaas waa la hayaa qoraaladii ay shiikh C/qaadir, Dr. Axmed iyo culimada kaleba ka qoreen aduunyo iyo aakhirba xisaabaa u diyaar ah, waa eyda ahlu naarka, kuwa ugu sharka badan inta aduunka guudkiisa saaran.

    Waa cawaan aan xishoonayn alle u toobad keenayn mar kasta waa kusii dheganyihiin khaladkooda, waxay leeyihiin “Al ictisaam waa murji’o, murtadiin IWM, hadana waxay hadalkooda ku gabagabaynayaan “Allaha ha u naxariisto Shiikh C/qaadir iyo Dr. Axmed”!!
    Maalinba magac iyo shaati cusub bay gashadaan!!

  2. Ilaahey ha kaa Abaal mariyo waleelkeen siduu qoraalka u dhigey alshabaab wacdi iyo waano shaqo kuma laha waxa kaliya aymaqlaan waa afcas ladagaalenka argagixisadu waa muqadis qofka islaamka ah been ma sheego hadey ku cadaato qofkaas ma aha islaan sidaa waxaa yiri rasuulkeena waa xadiis saxiix ah nabadgelyo iyo nariis korkiisa ha ahaato

  3. walaaha sawirkaas beenta ah anigu run baan mooday ilaa nooc cay ah aan sheekha ka iri allaah ha iga cafiyo isagii hada cafis ma weydiisan karo oo wuu shahiiday ee allaah ha u naxariisto ducadaan u badaniyaa ilaa aan is dhaho waa kugu filan tahay intaas.

  4. ASC. WAA SIDAA UU SHEEGAY WALALKEEN ABUU XASAAN
    AL SHABAAB BEENTU CEEBKUMA AHA EE WAA UCAADO
    AL LABA FIRQO AYAY SHABAHAAN OO KALA AH
    1- AL KHAWAARIJ DHINACA DHIIGA MUSLIMKA
    2- AL SHIICA DHINACA BEENTA ( TUQYA )

  5. ilaahay kaa abaal marito aan ku jihaadno qalimadeena, si aan u burino beentaa aay fafinayaan

  6. Beenaalayashii culumada caayi jirtay ilaahay wuu kashifay iyagaoo dambaabay , waxaa kele oo jira kuwo badan oo is qarinaya oo wax ku qora wepsiste yadaas, kuwa wepsiteka iska leh iyaga doqon nimo yaa u dheer laakin kuwa is qarinayaa jira oo laakiin loo wada jeedo

  7. Abu Xasaanoow Eebe kheyr ha kaaga abaal mariyo maqaalkaaga kheyr sidaha ah ee aad ku difaacayso alshahiid bi,idnillaah Sheekh C/Qaadir Nuur Faarax, waa runtaa waanan kaaga marag kacayaa in Rabi hoojiyey oo dulleeyey duf ku baxooyinkii beenta ka faafin jiray culumada, Rabi ha dulleeyo beenaalayaashaas sida Raafidada beenta iyo indho adeyga ka dhaqan yeeshay.

  8. waan ku farxsanahay warkan halkan soo gudbiyay bidcadana waa in la iska kaashadaa sidi lo jaban lahaa ayaga iyo kuwa is qariyoo hoosta gaalaysinta ka aaminsan waa in meel loga soo wada jeestaa allah axifdiyo culumad agaroowe iskugu tagay warkana sidii qoraxdii u cadeyay manatay oo kale wa la kala baxayaa bidcada iyo sida loola diriro wan jeclan lahaa halkan in ay maqalo ka soo diyarshan wsc

Leave a comment

*