Culimada ina Godane beegsaday Xasaanna fatwooday dilkoodu waa kuwo noocee ah ?

February 18, 2013 - Written by

Maqaal-300x158ALLAAH ayaa mahad oo dhammi u sugnaatay .Wakhtigan oo kale oo murugtu aad u badan tahay waxaa dhici karta in sidii aad wax u doonaysay aadan u qori karin , haseyeeshee waxaan isku dayayaa inaan akhristaha la wadaago tilmaan noocee ah buu leeyahay caalimka dilka ku xukumani .

 

Ka hor inta aanan abbaarin muca qormadan waxaan ka horaysiinayaa labo qodob :

  • ALLAAH waxaan u weydiinayaa sheikh cabdul qaadir inuu jannada meel sare ka geeyo  ehelkiisa iyo guud ahaan soomaalina sabir ku arzuqo .
  • Waxaa maalin walba sii iftiimaysa khatarta aan yaraysiga lahayn ee ku gadaaman dadkii indhaha u ahaa bulshada oo culimadu ugu horayso .

Intaas ka dib, Caalimka dilka ku xukuman ee la yidhi waa in la dilaa xataa haddii uu xaramkii joogo  sida xassaanba fatwooday wuxuu lee yahay tilmaamahan

  • Waa caalim ku baraarugsan khatarta kuwa u xuubsiibtay fikirkii khawaarijta
  • Waa caalim aan ka aamusin inuu cadeeyo falalkooda gurracan iyo khatarta ay bulshada ku yihiin
  • Waa caalim hadalkiisu saamayn weyn bulshada ku dhex leeyahay
  •  Waa caalim aan waxba ka sooqaadin hanjabaadooda iyo caga juglayntooda
  •  Waa caalim aan caydooda iyo aflagaadadoodu macno u samaynayn
  • Waa caalim ka shaqeeya danta bulshadan silicsan kuna foogan uruurinteeda iyo xallinta mashaakilkeeda
  • Waa caalim u arka sixidda fikradaha qalloocani inay tahay waajib ilaahay saaray

Caalimkaasi ma aha :

  • Wadaad  xikmad iyo caqli badnaan u arka in aafadan laga aamuso
  • Wadaad  usha dhexda ka haysta oo dhibanihii iyo daalimkii isku si u dhaleeceeya
  •  Wadaad  aaminsan in dadku wada fitnaysan yihiin isna ay waajib ku tahay inuu fitnadaas ka dheeraado
  • Wadaad  u haysta in kooxo gaar ihi is hayaan isaguna aanu midna ka mid ahayn
  • Wadaad u haysta in dad gaar ah dhibaatadani haysato oo waliba iyagu wixii ay beereen ay tahay!!
  • Wadaad   door biday inuu danihiisa gaarka ah ku ekaado oo gurigiisu deeqo
  • Wadaad  dhibta iyo naftii hurnimada neceb oo ku ducaysta ilaaahayoow hareerahayaga
  • Wadaad   inaan cidina dhibsan jecel oo wixii qolo ka didaysaba ka fogaada

Akhristoow haddaad taqaan wadaad tilmaamahaas hore leh  ogow inuu liiska madow ku jiro , oo aan loogu tudhayn dadiisa , cilmigiisa,  waxtarkiisa , taariikhdiisa, islaamnimadiisa,  iyo wax allaale iyo wixii lagu badbaadi lahaa oo dhan . Waxaan kusoo gunaanadayaa waxay taariikhdu qori doontaa intii lagu dilay ama lagu wax yeeleeyay ka hortagga fikirkan qalloocan  , waxay taariikhdu ka aamusi doonta intii manta aamusku la qurxoonaaday ama ka afgobaadsaday , waxayna taariikhdu dhaleecayn doontaa intii u qiil bixisay ama taageertay  .

La dhex joogi maayoo arlada dheelmashow qorane

 Qofba wuxuu dhigtaa baa u yaal dhiilka aakhiro e

 Ninkii dhiiri sheegtow is furo waa dhanaan tahaye.

 

W/Q Sh cabdiraxmaan abyad
Halgan.net , Copenhagen

 

 

Leave a comment

Archives
February 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online