Culumadii ka soo qeybgalay aaskii Sh C/qaadir oo la kulmay madaxda sare ee Puntland

February 18, 2013 - Written by

12Garoowe:-Waxaa maanta duhurkii kulan wada qaatay dhamaan culumadii iyo waxgaradkii ka soo qeyb galay aaskii Sheekh C/qaadir Nuur Faarax iyo madaxda Puntland oo ay horkacayaan Madaxweynaha dowllada Puntland Dr.C/raxmaan Maxamed Faroole iyo Madaxweyne ku xigeenka Puntland Jen Cabdi samed Cali Shire.

Kulanka ayaa waxaa ay culumada u soo jeediyeen Madaxda Puntland in ay wax ka qabtaan amaanka deegaanada ay gacanta ku hayaan Maamulkooda ayna Eebe weyne ka baqaan  iyaga oo wacdi iyo waano u jeediyey dhamaan madaxda iyo martidii ka soo qeybgashay kulanka dhexmaray culumada iyo madaxada sare ee Puntland.

Kulanka ayaa sidoo kale waxay dowlada Puntland ka codsatay culumada in ay umada iyo dhalinyarada la marin habaabiyey ay xaqa u cadeeyaan ayna umada uga digaan kuwa Sheekh C/qaadir Nuur Faarax oo salaad casar ku jira dilay waxayna dowlada balan qaaday dhinacooda in inta karaankeeda ah in ay wax ka qaban doono amaanka deegaanada Puntland.

Culumada haatan ku sugan magaalada Garoowe ayaa ka kale yimid meelo kala duwan waxayna sidoo kale kulamo la qaadan doonaan Isimada  ,waxgaradka ,ganacsatada kulamadaas oo lagu gorfeyndoono qaabkii looga hortagi lahaa dilalka qorsheysan oo ay amniyaadka Al-Shabaab umadii ku dhameeyeen uuna u danbeeyey Sheekh C/qaadir Nuur Faarax Raximahulaah.

Culumada ayaa ugu baaqay Maamulka in aysan macquul ahayn in inta dadka hubka laga qaado haddana la iska laayo culumada ,Isimada iyo birimageydada taasna aysan macquul ahayn .Culumada ayaa wili wada kulamadoodii ay la yeelanayeen waxgaraka iyo bulshada kala duwan.

Culumada ayaa sidoo kale waxaa ay kala hadlay Maamulka Puntlland Mujrimiintii dilay Sheekh Dr.Ahmed Xaaji C/raxmaan iyo kuwa soo maleegay dilka Sheekh C/qaadir Nuur Faarax in aysan macquul ahayn in xabsi la isaga hayo waxayna culumada ku baaqeen in ciqaab tooda la mariyo si degdeg ah .

Culumada ayaa sidoo u mahadnoqay Maamulka ,Isimada iyo waxgaradka ku soo dhaweeyey magaalada Garoowe iyaga oo culumada u duceeyey dadweynaha reer Garoowe ee sida geesinimada leh u qabtay mujrimkii dilay Sheekh C/qaadir Nuur Faarax waxayna ugu baaqeen shacabka Soomaaliyeed in ay ku daydaan.

Ugu danbeyntii ayaa culumada waxay ugu baaqeen shacabka Soomaaliyeed in ay meel uga soo wada jeestaan Ururka Al-Shabaab ee haatan u soo dhardhigtay leynta culumada waxaana ugu danbeeyey oo ay gaadmo ku dileen isaga oo alle u rukuusan Sheekh C/qaadir Nuur Faarax raximahulaah .

Halgan.net ayaa idiin soo gudbin doonta kalimadihii culumada ay ka yiraahdeen kulanka dhexmaray madaxda Puntland iyo culumadii ka soo qeybgalay aaska Sheekh C/qaadir Nuur Faarax raximahulaah.

Halgan.net

Leave a comment

Archives
February 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online