Daawo Gacan ku dhiiglihii dilay Sheekh C/qaadir nuur Faarax oo waramaya (Muuqaal)

February 15, 2013 - Written by

gacandhiigleGaroowe:-alahau naxariistee waxaa maanta casarkii lagu dilay magaalada Garoowe Sheekh C/qaadir Nuur Faarax oo ka mid ahaa culumada Soomaaliyeed waxaana dilka geystay wiil dhalinyaro ah xili uu Sheekhu ku jiray Salaada casar.

Sheekh C/qaadir Nuur Faarax ayaa markii uu ka soo kacay Rukuucda Rakcadii Afaraad waxaa toogtay wiil dhalinyaro ah xili Masjidka Al-Badar lagu jiray salaada Casar  waxaana uu isku dayey in uu baxsado balse waxaa dadweynaha Reer Garoowe ay ku guuleysteen in ay gacanta ku dhigaan

Hoos ka Daawo Muuqaal lagu Faafiyey Face Book oo Mobel lagu duubay inta aan dhagarqabaha lagu wareejin ciidanka Amaanka ee Garoowe.

Sheekh Maxamed Xaaji Yuusuf oo ka mid ah Culumada Soomaaliyeed ayaa ka hadlay dilka Sheekh C/qaadir Nuur Faarax waxaana uu Sheegay in maalinta Birito ah la aasi doono Sheekh

no images were found

Hoos Ka Dhageyso Hadalka Sheekh Maxamed Xaaji Yuusuf oo ka mid ah Culumada Soomaaliyeed ee ku sugan magaalada Garoowe[audio:http://k007.kiwi6.com/hotlink/3gpn7q4eax/sh_maxamed.mp3]

M_M Deeq
Halgan.net

42 Comments so far

Leave a comment

  1. innaa lilaahi wa innaa ileyhi raajicuun.
    waxaan sheekh ilaahay uga baryaynaa inuu janadii fardowsa ka waraabiyo dhamaan umada muslimka ahna waan ka tacsiyadaynayaa geeridaa sheekha.
    ilaahayna xaqa haynagu sugo cidii falkaa gaysatayna waxaan ilaahay ka baryaynaa in ummada ka qabto

  2. Inaa ILA’AAHI WA INAA ILAYHI RAA’JUCUUN.IHAAH HA NAXARIISTO SHIEKH ABDIQAADIR NOOR FAARAH. AAMIN AAMIN.
    INTAA KA’DIB WAX LA’DHAHO MA’GARANKORO OO AAN AHAYN ILAAH HANAGA QABTO DADKAAN CULUMADA DARGOONTEEDA ISOO LA’BISTAY AAMIN.ILAAH WAXAAN KA’BARYEYNAA IN UU KUSALADO BALAAYO KA’XOOGWAN ILAAH AWLIYADA ILAAH UGA RAAHXEEYO AAMIN.

  3. amiin amiin yaa alaah

  4. asc walaahi aad baan u ooyey ilaahey janatul fardoowso haka waraabiyo shekheni waxaa dishey gacan ka xaqdaran waa dadkii xitaa hadal xun loo quuri jirn in gacanta lagu fiiqo iskadaaye ale swt waxaan kabaryeeynaa in kuwii diley iyo kuwa fikirkaas aamin san in culumada noo hartey ilahay swt kabadbaadiyo waa sun somaali u soo baxdey maalin kasta weey naga oohiyeen ale lkin waxaad ogaataan cali binu abiidhaaliba dadbaa oo asagoo aduunka joogo loo sheegey in uu jana galo yahey dadbaa jana kudoontey dilkiisa fikradaas waa in lala dagaalamaa somaaliyeey lkin waxaan kasoo horjedaa nin baa wuxuu soo qorey shekk hassan dadka ha laga qabto dil waa midkaan hada ka ooyeeno dilkale waa kh saare kale walaal waa loo nastee xeeynaa qofkii culumada dilkooda kufarxo RABI SWT baa ujeedo aan isu duceeyno in ilaahey khtumada nagu dilo janadana aan kukulono wabilaahi atowfiiq

  5. wllo tacsi ka dib wllo mcn waxaan allaah ku mahadinaynaa in lahayo mujrimkii dilay shiikh kuna dialay salaad
    wllo midda kala ayaa ah illaahay ayaa khayr la doonay maadaama ay wax badan dacwadiisa ka shaqaynayeen
    iyo ay baaba’da ururka xun ee dhiiga culumada cibaadada mooday
    midda kale allah ayaan waydiinaysanaynaa in allaah naga soo afjaraynaa wllo

  6. illaah baa mahadaas iskaleh fududeeyay in gacanta lagu dhigo gacan ku dhiiglihii sheekha dilay waxaan ilaahay uga baryaynaa inuu ka waraabiyo janatu firwosa waxuu ahaa shakhsi diinta in badan ku cimriyay dacwada islaamkana in badan faafinaayay , waxan ilaahay kabaryaynaa inta banaysatay dhiiga culumada iyo muuslimiintaba in uu ka soo qabqabto umada allaahu mustacaan

  7. Inaa lilaahi waa inaa ilaahay raajicuun.
    ilaahay sheekha hanaxariisto,ehelediisii iyo umadda somaaliyeedna smir iyo iimaan haka siiyo.
    waxaan ilaahay ka barya hayaa in aysan dhab noqonin in dad diin sheeganaya ay ka danbeeyeen sheekhaygii aan jeeclaa ee ii akhriyay kitaabka fatxul baari,ga markaan saa leeyayay waxaad moodaa in aan u ekahay ninkii libaaxa uu qaaday ee yiri ilaahayoow riya iiga dhig, sababtuna waxaa weeye waxaa iga dhaadhici la, sheekh cabdiqaadir iyo culimada lamid ah, ayaa lagu janna tagi, walaala yaa maxaa nala gudboon?

  8. Tani waa dhamaad Alshabaab waxaana rajaynayaa in alle ruxdambe uu sanku sababi doonin ALshab ummadasoomaaliyeed haka nasato dhagarqabayaasha

  9. Aswrwb
    Inaalilaahi wa inaa ilaahi raajicuun,waxaan halkan tacsi ugu dirayaa dhamaan umadda soomaaliyeed gaar Ayaan qaraabadii iyo eheladii uu ka tegay sh, c/qaadir nuur farax , waxaana leenahay Samir iyo iimaan alla ha idinka siiyo istagaa waa hahiide waxaan ilaah uga baryeynaa inuu janatal faduus geliyo
    Ws wr wb

  10. حسبنا الله ونعم الوكيل.. نسأل الله له الرحمة والمغفرة وان يسكنه فسيح جناته,,, وقاتل الله كل من نفذ هالعمل الاجرامي وكل من امر به وكل من خطط قاتل الله الجميع
    تقبله الله شهيدا من عنده إنه جواد كريم وبالاجابة قدير

  11. حسبنا الله ونعم الوكيل.. نسأله الرحمة والمغفرة وان يسكنه فسيح جناته,,, وقاتل الله كل من نفذ هالعمل الاجرامي وكل من امر به وكل من خطط قاتل الله الجميع
    تقبله الله شهيدا من عنده إنه جواد كريم وبالاجابة قدير

  12. Ilahayow imanka hannaga qaadin

  13. inaa lilaahi wa inaa ileehi raajacuun, ilahay ha u naxariisto shiikha jano fardowsana allaha geeyo gacan ka xaqdaran baa dishaye. ilaahey ha ka siiyo samir iyo imaan dadkii uu ka dhintay iyo ummada soomaaliyeed.

  14. alah ayaan uga tugaa jantutyl firdows inuu geyosheq cabdul qadir cali nur farax kan dilayna inuu alah wafajiyo xaqa waxan ka codsanaa ehelada sheqa inay diilaan khaainka

  15. Shiikheeni Raximahullahu waa uu nimceyste taasina waa markhaati madoon! Se ragii kadambeeyooooow?! (Innallaha Tacaalaa Layumlii Liddalimi! xatta idaa akhadahu lam yuflit).

  16. ilaaheyow xikmada iyo dhugta hanaga qaadin umadi soomaliyeed qaar balaayo ayaa kudhacday kuwi kalane waxad moodaa in ladaboolay war indhaha dhagaha iyo caqliga muxuu Alle noosiiyay war hedhe wax arka oo kaca oo dadkan umada laaynaya iskaceliya waxan mahad celin iyo bogaadin usoo jeedinayaa shacabka geesiyada ah ee qabtay kii lasooqalday ee shiiqa dilay Allahayow wanaaga nagu sug asc

  17. allah naxariistii jano ha waraabiyo sabir iyo iimaaana ha ka siiyo ahelkii iyo qaraabadiisii iyo guudahaanba culimada soomaaliyeed daalimiintii dishay sheekhana allah ha fashiliyo aamin

  18. INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN, Rabi walaalkeen Sheekh C/Qaadir Nuur Faarax ha ku abaal mariyo jannatul firdowsa anagana gadaashiis nama fidneeyo, ehelkiisana Samir iyo iimaan Rabi ha ka siiyo. aamiin.

  19. تنبييييييييييييييييه!!!

    NINKA WUXUU SHEEGTAY IN UU KA SOO JEEDO BEESHA ISAAQ HABAR JECLO AADAN MADOOBE WAAA MARKII CXIIDAMADA AMNIGA BAAREEN
    LAKIIN MARKII HORE SHACABKA QABIILKALE AYUU ISUGU SHEEGAY

  20. INAA LILAAHI WAA INAA ILEEHI RAAJACUUN

    WAXAAN HALKAN UGU TACSIYADEYNAYAA SHEEKH CABDIQAADIR NUUR FAARAX(SHEKH C/QAADIR GACAMEY) GEERIDII DILKA XAQ DARADA AHAYD EE KU TIMI ILLAAHAY HA U NAXARIISTO INTII UU KA TAGAYNA SAMIR IYO IIMAAN ALLAHA KA SIYO JANNADII FARDOWSA AHAYDNA HOYAADKIISA ALLAHA KA DHIGO AAAAMIIN AAAAMIIIIN AAAAMIIIIN

  21. waxaab tacsi utirayaa sh:c/qadir ilaahay ha,unaxariistee aheladiisa iyo dhamaan dadka muslimiinta ah .
    dilkan iyo kii ka horeeyayba waxay ahaayeen laba dil oo foolxun lagula beegsaday laba sheekh oo waayay umaddana kaalin muhim ah ugu jiray .
    waxaana dilkaa fulinkara ama ku dhiiran kara in uu dilo qof muslim ah dambi laan gaal ilaahay aan rumaysnayn oo ladagaalamaaya diinta iyo khawaarij xaq waydaaratay oo xalaashatay diig muslimiinta gaar ahaan culimadii wadanka .
    waxaana loo baahanyahay in laga hortagu cadawgaa beegsanaaya aqoonyahanada .

  22. illahay shiikha ha u naxariisto, gacan ka xaqdaran baa dishay, illahow qabriga u waasici janadiina gee, Amiin

  23. ALXAMDULILAH ALXAMDULILAH XUSNO ALKHTIMA INSHALH
    RAXAMAK ALHU AY SHEEKHANA (janatul fardowsa allah kawaraabiyo AMIIIIIIIIIIIIN AMIIIIIIIIIIIIIIIIN)

    XASAN YAMANI

  24. ILAAHAY NAXARIISTII JANO HAKA WARAABIYO SHEIKHUNAA SH NUUR FARAX GACAN KU DHIIGLIHIINA ILAAHAY 7DA NAAROOD HA ISU MARIYO ISAGA IYO CIDII LASOO ABAABUSHAY JARIIMADA

  25. shiikh cabdul qaadir alle naxariistiisa ha siiyo janadiisana haka waraabiyo ummad soomaaliyeedna alle ha uxifdiyo inta u hartay.
    kuwa dilayna alle hasoo qabto

  26. allah waxaan kabarinay inuu ninkii dilay sheikh c/qaadir nuur farah allah ha u naxariistee inuu allah ninkaas kawaraabiyo jahanama amin amiiiin yarabalcaalamiin AL-HABAB ILAHAY DHULKA HALAGOOYO AMIIN AMIIIIIN BAL HADAA ARAGTAAN SMS-KAAN BAL AMIINTA badiya

  27. ASC,

    Ilaahay ha u naxariistto Sh Cabdulqaadir, Janatul Firdowsana ha ku jazeeyo. Ummadda Muslimiinta, Soomaalidda iyo ehelkiisana allaha ka samir siiyo, hana ugu bedelo bedel khayr badan. Sh Cabdulqaadir maanta dhib ma qabo, laakiin waxaa dhib, hoog iyo halaag u yaalaa kii dilay iyo kuwii soo abaabulayba. Ummadda Soomaaliyeed waxaa waajib ku ah inay u hiiliso diinta ilaahay iyo Culimadda Islaamka, maalin walbana aan hortooda lagu gawricin. Culimadda intii dhimatay Allaha u naxariisto inta hartay ha la garab istaago hana la difaaco. Culimadduna waa inay dadaalkooda sii labalaabaan dadkana xaqa u cadeeyaan aysana baqin, ummaddana naftooda u huraan siday uga badbaadin lahaayeen kuwa fidnaysan ee aduun iyo aakhiraba aan nasiibka lahayn.

    Wabilaahi alTowfiiq
    M Xasan

  28. geeridaan waa mid naxdin lah ee yaan layareeysanin kuwa dadka muslimka ah iyo waliba culimada bartilmameysanaayo ..allahana u naxariista markale sheikh abdulkadir nuur farax, amiiin ayaan leeyahay ,,, janatul fardowsa allah kawaraabiyo …

  29. inalilaahi wa inaa ilaahi raajicuun allah u naxariista sheikh abdulkadir nuur farax……. samir iyo imaan ha kasiyo umada somaliyeed iyo muslimiinta guud ahaan………

  30. ilaahay ha u naxariisto shiiq c/qaadir nuur faarax . qaraabadii iyo ehilkii uu katagayna ilaahay ha u kaalmeeyo.
    وانى بفراقك محزون يا شيخنا

  31. inaa li laahi wa inaa ileeyhi raajucuun
    hadan soomali is ku duub naan sidaan noo danbeeysa dadkeena culimada ah iyo kuwa wax galka ah nalaga dilin waxaa kenya joga nin culimada gaaleeysinaa dhiigoda baneey naayo wax iska qabanaayo malahan waa xasaani iyo shaabaab ha leeska qabto

  32. haladhifaaco culumada oofadhiga halagakaco dadka indhaha baalagaridayaah waageerixanuunleh

  33. gacan ka xaqadaran ayaa dishey ilaah ha unaxariisato amiin amiin amiin

  34. Inaa Lilaahi wa inaa Ilayhis Raajicuun.
    Allah ha u naxariisto Sh Cabdulqadir,kitaabkiisana midigta Allah ha ka siiyo,eheladiisana samir iyo cawil celin Allaha siiyo,ummadda soomaaliyeedna waan uga tacsiyayna musiibadaan maanta dhacday.
    Umadda Soomaliyeed ee muslimiinta ahi ha ogaato wax la la dagaalamaya in ay tahay diintooda iyo caqiidadooda,waxaan laga abaaray in culimada la laayo,si loo waayo wax diinta dhabta ah dadka u sheega afkaarta khaldan iyo bidcadana dadk u cadeeya.Qof walba oo muslim ah wax waajib ku ah in uu diifaacyo culimada,maxaa yeelay haddii culimadu dhammaato jahli iyo diin daro ayaa soo haraysaa.

    • awalan waxaan illaahay uga baryeynaa sheekha naxariista rabbi waxaanan hubaa kuwa dulmigaas galay ineey jahli xun ku dhaceen & aakhiro la,aan mudoonyinkaan danbana waxaa caado noqotay in culumada la laayo malaha shaydaamadaasu waxay arkeen inaan culimada loo ooyin ama loo aarin waxaase shaydaamadaasu ay dhib u gaysteen ummada oo dhan illaahey ayaa abbaalkooda siinaya diintana culimo ayaa u soo baxaysa ama u joogta,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,

  35. Inaa lilaah wa inaa ilayhi raajicuun.. cajiib walahi waa arin yaab leh lakin waxaa nasiib wanaag ah sheekha in la tuugtay isagoo salaatul casri ku jira. waa calaamad muujinaysa in ilaahay sheekha siiyay xusnul khaatimah… Ilaahow janatul firdows geey sheekheena sheekh cabdulqaadir nuur faarax..

    Ilaahay sabar iyo iimaan haka siiyo ehelkiisa iyo dhammaan umada soomaaliyeed…aamiin aamiin

  36. inalilah wa ina ilay rajicun allaha ha uu naxariito sheekh ilahayna hageeyo darto kategay mid kaqayr badan amiin mida kale yan ladiilin qof ka lahayo ayadoon laga hadalsin oon siifican lobariin waxa jiira dad iska dhiigaya inay sheekha kaxon yiihiin oo dadka lajiira ku degdega diilka qofka dabiiga samiiyay saan lohiiliin qoladii kadabeesay ee barakalahu fiikum siifiicaan halo taxadiiro

  37. allaha u naxariisto annaga samir iimaan buuxa allah naga siiyo
    amiiiiiiiiiiin aaaaaaaaaaaaaamiin.

  38. Innalilaahi wa ina ileeyhi raajicuum, xasbunalaahu wanicmal wakiil, ilaheey sheikha ha uu naxariisto janada ha waraabiyo, akhayaarta ninkaan sificaan halo waterysto warbixin fiicaana halaqaado sidi waxyaabo kalee loo heli Laha.

  39. من المؤمنين رجال صدقوا ما عاهدوا الله عليه فمنهم من قضى نحبه و منهم من ينتظر و ما بدلوا تبديلا
    وفي ءاية اخرئ
    رجال لا تلهيهم تجارة ولا بيع عن ذكر الله وإقام الصلاة وإيتاء الزكاة يخافون يوما تتقلب فيه القلوب
    صدق الله العلي العظيم

  40. waxan halkan katacsiyeynaya geeridii kutimid sheikh geeska afrika aakhiradiisa wuu ushaqeestay ilaaaaah janada hakawaraabiyo mida kale dadka udhashay waxan kacodsanayaa gacan kudhiiglahaa in aad loo wareesto si loo ogaado waxii arinkan naxdinta leh kadanbeesay dadwaynaha soo qabtayna aad ayay umahadsanyihiin

  41. waxaan halkan ooga tacsiyaynayaa sheekh cabdiqadir nuur farax oolagudilay magalada garoowe waxaan ilaahay ooga bar yayaa in uu kawaraabiyo janatul firdoosa eheladii uu ka geeriyode allahaka siiyo samir iyo iiman iyo dhaman umada soomaaliyed

Leave a comment

*