Dhagar qabayaashii dilay Sheekh Dr Axmed Xaaji oo Maxkamada Darajada 1aad ay ku xukuntay dil .[Dhagayso]

February 27, 2013 - Written by Bile Osman Keenadiid

1Boosaaso:-Waxaa maanta la horkeenay Maxkamada darajada 1aad ee ciidanka qalabka ee Puntlland dhagar qabayaashii dilay oo qaybta ka ahaa dilkii foosha xumaa ee Sh. Dr axmed Xaaji Cabdiraxmaan allaha u naxariistee oo 5.12.20011 ay kooxda Al-shabaab ku dileen magaalada Boosaaso isagoo sooman soona tukaday  Salaadii subax. Dhagarqabayaasha maanta ay Maxkamadu xukunka ku riday ayaa waxaa ay iskugu jiraa kuwa maxkamada joogay iyo kuwo weli maqan oo aan ilaa hadda  ciidanka Booliska Boosaaso kuna sugan dalka dibadiisa walow raggaas laga warqabo dalalka ay ku sugan yihiin ayna socoto in mudo ah dadaal la doonayo in dhaqso ah loo soo qabto.

Gudoomiyaha maxkamadda ciidanka qalabka sida ee dowllada Puntlland Cabdifitaax Xaaji Aadan ayaa ku dhawaaqay in xukun dil ay ku ridayaan eedaysanaasha hoos ku xusan.

  • Axmed Maxamed Cali (magaciisa xarakiga Mustaf)
  • Maxamed Maxamuud Saacadoole (magaciisa xarakiga Abu-hureyra)
  • Maxamed Abshir Cartan
  • Cabdiraxmaan Maxamed Cali
  • Cabdiqani Nuur Maxamed (Qorane)
  • Ruqiyo Xasan Maxamed Yuusuf

Dadka Maqan oo ay Maxkamadu ay ku xukuntay dilka waxaa ka mid ah

  • Axmed Cabdi Godane
  • Xasan Jaamac Xasan (Surato)
  • Cismaan Cabdirisaaq Saacid (Khaalid)
  • Mowliid Maxamed Aadan (Gaashaan)
  • Cabdiraxmaan Axmed Sheekh Cumar (Ayaanle)
  • Cismaan Axmed Qaasim (Ayuub)

Hoos ka dhagayso Gudoomiyaha maxkamadda ciidanka qalabka sida ee dowllada Puntlland Cabdifitaax Xaaji Aadan oo xukunkii ku dhawaaqaya

[audio:http://k007.kiwi6.com/hotlink/k1l5i9miqc/xukun.mp3]

M_M_Deeq
Halgan.net

 

13 Comments so far

Leave a comment

  1. waxaan umahad naqayaa ciddii ka qayb qaadatay qabqabashada dhagar qabayaasha meel kastay joogaan sidii kuwii laascaano iwm .

  2. waa xukun la sugaayay balse soo daahay waad mahadsantihiin .

  3. waxaan guul u arkaa in xukun ku dhacay ragii dilay ama abaabulay nin doorkii umaddaan muslimka ah , oo ini godane ugu horayo god madaw allaah haku rido oo haku kashifee ,AAMIIN

  4. mujrimka number one waa xasaan xuseen waayo isaga ayaa u fatooday in la dilo culumada oo waliba gaalaysiyay, dr axmed waxa la dilay maalin uu yiri fasaadka culumadaas ninki dila waa shahiid isna jano aadaya maalmo kadib ayaa shekha la dilay, waa dhaweyd ee uu yiri culumada al ictisaam waa gaalo ridowday ee xil iyo xaram halagu dilo waxa laga bilaabay sheekh c.qadair nur farax janada alle haka waraabshee, markaa dawlada puntland iyo waxagradka waxaan leeyahay xasaan xuseen hala xukumo dawlada kenya arintaas kala xiriira si ninkaas looso qabto

  5. WAA GUUL SOO HOYATAY LAKIIN MALA FULIN DOONAA KUWII LAXUKUMAY 2SANO KAHOR BAA WALIXIRAN WAXAAN KALOO OGAHAY INAY KUWA XIRAN DADKA XABSIGA KUJIRA SUMEYAAN EE HALAGA SARO DADKA LASOO XIRO FAKARKAN QALDAN MEEL GONI AH HALUGU XIRO HADII KALE DADKA LAXIRAN BAY U AQRINAYAAN BENTOODA

  6. Xassaan ka Nairobi ka fatwooday in culimada la dilo maxaa loogu dari waayey, isaga ayaa sabab u noqday dadkani inay dembigan galaan.

  7. xasaan xuseen baa ka maqan ee maxaa loga reebay talow soo ninkii dhamaa ee fatwada baxshay mahan hadee shareecada loo labto waa la danbi ama wuuba ka danbi wayn yahay sababto ah fatwadi ilagu dilay ayuu baxshay

  8. Waa guul usoo hooyatay muslimiinta dhan

  9. Maashaa,ALLAAH waa war lagu farxo, ninba wuxuu galaybaa la gudoonsiinayaa abaalkiisa la gudayaa, sax weeye ha dhadhanshaan waxay kasbadeen.

  10. Kuwii ilamah madaxa ka bedelayna halagu daro alha laqmiyee ilmo islameed xabad u dhigiin kuwaan waxaa ka darannimanka kala ah xasaan, C/qaadir muumun, jaamaca cabdi salaan, cabdulaahi cali xashi, xasan takar, mansuur iyo daalimoon kale oo badan ilmahaan waxaa igala daran kuwaan aan soo qoray jeer iyaga dil lagu xakumo hagaag imaan maayo ee kuwaas dhaqso haloo raadiyo max yelay falka kuwaas ayaa soo abaabulay fidweadooda ayaan lagu laa yeye culimada ayaga halaga bilaabo hadii cadaalad la rabo.

  11. qofkii qof dilaa waa in aldilo dadka qaar baa waxay u haystan in hadii ay dil gacan kagaystaa in aysan dilaa ahayn basle waakaduwantahay sidaa oo waa wada simanyihiin dilaa iyo ninkii niyada kaga raalli noqda iskabadaaye nin kullg yeelanaya

  12. waa guul aan runtii aad ugu farxay hala dilo rabi aktiisa waxay shaqaysteen alle haku abaal mariyee hoogoyinka hooga oo ba bala idin dishey
    maxay naxdin iyo murugo qalbigayaga gasheen oo oo maxay cara alle shaqasteen
    ilaahy inta maqan hasoo gacan geliyo laakin waxaa so aal iga ah
    6 qof oo kor ku qoran mala wada hayaa mida kale sanad iyo ka badan ayaa baris la sinaya maxaa mar hore loo xukumi waaye waa lala so dahay hadana hala dadejiyo kuwa maqan kan la yirahdo xasan jamac xasan surato waxaa uu ka soo qaylin jiray malaysiya ee ha lala xariiro dawlada malaysiya sii loo so qabto hana loo sheego inoo dambi dil ah wax ka soo fuliyey calamo kugu dhacday waxaa uu isku daye inuu in kiro hada dilka sheekha wax ka ogtahay xasanow calaamo haka soo ifto adiga iyo kuwa maqan
    puntland waxan ka codsan in aay kuwii dilka sheekh c/qaadir nuur faraax ku wii gastay in dilkooda la soo dadajiyo ayaan ayagana ka codsanaynaa

  13. ninwalba wuxuu lagaybaa laga goynaa waa inay dhadhamiyaan dhagartii iyo jariimadii waynayd ee ay galeen jazaheeda

Leave a comment

*