Khudbadihii ay culimadu ka jeediyeen aaskii Sheekh Cabduqaadir Nuur Faarax.[Dhagayso]

February 17, 2013 - Written by

14Garoowe:- Ka dib markii maanta la aasay Sheekh Cabduqaadir Nuur Faarax  ayaa waxaa kalimaad kale duwan  ka jeediyey culimo kale duwan oo ka soo qayb gashay duugta Shiikh oo ka kala yimid Gobollada dalka Soomaaliya, Culimada maanta ka hadlay koobta aaa waxaa ka mid ahaa Sheekh Yuusuf aadan oo ahaa saaxiibka gaarka ah ee Sheekh Cabduqaadir Nuur Faarax oo taariikh dheer ay isla soo mareen , Sh.Yuusuf Aadan oo goobta ka hadlay ayaa waxaa ku adkaatay inuu hadlo isagoo aad uga murugooday dilka shiikha iyo kuwa dilay oo uu shiikhu u baqayo Aakhiradooda uguna baaqay in ay ka soo laabtaan ficilk foosha xun ee ay gacmaha kula jiraan.

Shiikh Yuuusuf Aadan ayaa si cad u sheegay in aysan marna banaanay dilka qof Muslin ah iyadoo ka sii daran tahay dilka qof Caalim ah oo diinta islaamka in badan ka soo shaqeeyey , Sh Yuusuf Aadan ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay meel uga soo jeestaan kooxda Al-shabaab oo u soo jeestay in ay laayaan culimadii Umada soomaaliyeed.

Hoos ka Dhagayso kalimadii Sh Yuusuf Aadan.

[audio:http://k007.kiwi6.com/hotlink/uzlv3fw8en/sheekh_yuusuf_aden.mp3] Ama Halkan MP3

Waxaa kale oo goobta ka hadlay Sheekh Cabdinaasir Xaaji Axmed oo isagan tilmaamay in dilka shiikhu ay tahay suno oo qof walba oo diinta Islaamka xanbaarsan una istaaga in uu xaqa sheego ay dilayaan kuwa cadowga ku ah diinta islaamka iyo ehelkeeda, Sh cabdinaasir Xaaji axmed ayaa ugu baaqay in bulshada soomaaliyeed oo isku duuban ay u istaagan in ay ka hortagaan kooxda Al-shabaab oo uu shiikhu ku sifeeyey in ay isku raacay laynta Umada Soomaaliyeed  waxgaradkooda, isimmadooda, Saraakiishooda iyo culimadooda , Shiikha Cabdi Naasir Xaaji Axmed ayaa si geesinimo leh u sheegay in ururka Al-shabaab ay isku raacday fikriga Khawaarijta iyo in ay adeegsanayaan cadoowga islaamka.

Hoos ka Dhagayso kalimadii Sh Cabdi Naasir Xaaji Axmed.

[audio:http://k007.kiwi6.com/hotlink/a1fpu85tz2/shcabdinasir.mp3] Ama Halkaan MP3

Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa sidoo kale sheegay in dilka Sheekh Cabduqaadir Nuur Faarax ay ka danbeeyaan ururka Al-shabaab isagoo ugu baaqay culimada , ducaad in ay ka habaaraan Minbarada Masaajida oo loo habaaro siddii reer Caad iyo Tamuud , waxaa kale oo uu sheekh Bashiir sheegay in umada Soomaaliyeed ay maanta wada arkeen ficilka guracan ee ururka Al-shabaab oo culimadii ay ku dhex dilayaan gudaha Masjidka xili la tukanayey Salaadii Casar.

Hoos ka Dhagayso kalimadii Sh Bashiir Axmed Salaad.

[audio:http://k007.kiwi6.com/hotlink/p3f36u485w/sh_bashiir.mp3] Ama Halkan MP3

Sheekh Nuur Baaruudi oo ka mid ah culumada Soomaaliyeed kana qeyb galay aaskii Sheekh C/qaadir Nuur Faarax ayaa waxaa uu ka sheekeeyey taariikhdii iyo halgankii Sheekh C/qaadir Nuur Faarax uu dacwada u soo maray iyo sida uu uga hortay Takfiirkii. Sheekh Nuur Baaruudi ayaa ugu baaqay umada Soomaaliyeed dhamaantood in ay meel uga soo wada jeestaan kuwa dilay oo baneystay dilka Sheekh C/qaadir Nuur Faarax wuxuuna sheegay in kuwa dilay Sheekh C/qaadir oo masjid ku jira oo tukanaya aysan cidna dhaafi doonin.

Hoos ka Dhagayso kalimadii Sh Nuur Baaruud Gurxan.

[audio:http://k007.kiwi6.com/hotlink/7o258eotp9/shnuur1.mp3] Ama Halkan MP3

Sh Daahir Aw-cabdi oo isagan ka hadlay  goobta ayaa waxaa uu sheegay in wax laga xumaado ay tahay in caalim soomaaliyeed  lagu dhex dilo Masjid gudihiis xili uu ku dhex jiray salaad casar waxaan ii sheekhu sheegay in meel adag looga soo jeesto kooxda Ururka al-shabaab ee dilka u geystay sheikh Cabdulqaadir Nuur Faarax horayna u dilay Sh Dr Axmed Xaaji Cabdiraxmaan waxaan uu dadweynaha ku booriyey in aysan qarin cid walba oo ka tirsan kooxdaas.

Sh Daahir Aw-cabdi ayaa sheegay in  kuwa u malaynayan dilay Sheekh Cabduqaadir Nuur Faarax ka dib laga aamusi doono in xaq la sheego waa koox  iska riyoonaya isagoo sheekhu sheegay in ay jiraan kumanaan u taagnaan doona in ay maraan wadaddii Sh Cabduqaadir Nuur Faarax ardaydiisuna ay meel walba ay joogaan.

Sheekh Daahir Aw-cabdi  ayaa waxaa uu ku tilmaamay Ururka Al-shabaab kuwo beentu ay u tahay xalaal oo umada iyo culimada Soomaaliyeed ay maanta arkeen. Sheekh Daahir Aw-cabdi ayaa ugu danbayn waxaa uu baaq u jeediyey  beelaha Soomaaliyeed eek u nool soomaaliya gaar ahaan Puntlland in aysan qarin ama soo dhaweyn kuwa taageersan ama ka midka ah Ururka Al-shabaab si looga badbaadiyo waxgaradka umada Soomaaliyeed inta u hartay.

Dhinac kale Sh.Axmed Cabdisamad ayaa sheegay in kooxdaan ay tahay kuwo lagu soo salida Umada Soomaaliyeed dhib badana ay gaar siiyeen balse maanta uu soo baxay wajigoodii saxda ahaa waxaan uu umada Soomaaliyeed ugu baaqay in si wadajir ah loo wajaho cid walbana ay ka fogaato afkaartooda guracan.

Hoos ka Dhagayso kalimadii Sh Axmed Cabdisamad  iyo Sh Daahir Aw-Cabdi

[audio:http://k007.kiwi6.com/hotlink/4qlp802ax8/shdaahir_iyosh_axmed.mp3] Ama Halkan MP3

M_M_Deeq
Halgan.net

 

16 Comments so far

Leave a comment

  1. bismilaah waxan leeyahay walalayaal nimanka madhabka khawarijta lasocda ee kunka magac ee kala duwan labaxay marna maxaakim marna alshabaab marna iwm culimada ayay galaysiiyan caamona hadalkeed daa oo hor kaco ninka xasaan

  2. alaha unaxaristo shikh abdulqadir asagu waa shahid insha alah aniagA LARABAA INAAN TASHANO WAXAA DHIBKA KENAYA KII LAQABTO WAA LAXIRAYAA HADII LADILILAHA WA BAQI LAHAAYEN DADKA HALUGU KICIYO INTA LAHAYO HALA TOGTO

  3. Asc.
    Bacda alxamdu-llillaah wathanaa calayhi aguul.
    Allaah swt fiirdawsal aclaa haku abaal mariyo sheikheenna C/qaadir Nuur Faarax
    hana kayeelo shahiidan fii sabiilih. Caalim iyo waalid aannu jecelnahay ayuu ahaa.
    Allaahna guud ahaan mummadda soomaaliyeed gaar ahaanna qoyskiisii beddel khayr badan iyo samirba haka siiyo.
    Intaa waxaan raacin lahaa, kuwa iyadoo weli ilmadii Sh. Dr. Axmad Xaaji C/raxmaan nagasii qoyan tahay maantana ficilkay geysteen dartii culimadii ilmadu gadhkooda uqoysay,.
    Allaah quluubtooda murugo iyo dab haka buuxiyo, dhibkoodana haka yeelo geba gebo aanu qof muslim ah oo dambe indhaha saarin,.,, aamiin yaa allaah.
    WS.

  4. ilaahay ha u naxariisto sh/ cabdi qaadir nuur faarax
    ku wii dilay waa in la ciqaabaa kuwa kadanbeeyayna ha toobadkeenaan
    haday diidaan waa ciqaab aduun iyo aakhiraba

  5. Ilaahay ha xafido culimada ha inaga qabto kuwa caadaystay dhiiga islaamaka gaar ahaan kooxda caadaysatay dhiiga islaamka

  6. Asc

    Culimadeena ilaheey Hanoo hifdiyo, maamulada Iyo dowlada waa in eey culimada wardi usameeysa. Hadi kale saan baan Malin walba sheikh nalooga Dili. Ilahay Inkaar haku ride kuwi sheikha dilay wa in la wareysta. Oo waxi xog ah laga qaada. Wasalamu Caleykum

  7. innaa lilaahi wa innaa ilayhi raajicuun
    sheekha waxa aan ilaahay uga baryayaa in ilaahay naxariistiisa jannada ka waraabiyo.
    qaraabadii shiikha iyo ummadda soomaaliyeed ee uu shiikhu ka geeriyoodayna waxa aan ilaahay uga baryayaa in uu samir iyo iimaan ka siiyo.
    kuwa shiikha dilyna waxa aan ilaahay uga baryayaa in uu soo hanuuniyo wixii uu hanuun la doonay ee ka mid ah, wixii kalana uu ummadda sharkooda ka ilaaliyo waxoodna ka kala tuuro oo uu danbas la saydhay ka yeelo aamiin aamiin aamiin.
    ilaahow shiikha cid ka danbaysa ha ku salidin aamiin aamiin aamiin.

  8. waxaan tacsi tiraan yo leh udirayaa sheekh cabdu qaadir nur faarax gacamy alle haw naxariisto jandii firdaw sana haka waraabiyo kuwii dilay alle masiiboo dadag ah haku rido anigo garan maayo ninka sheekh caalima ja na ku doonaya

  9. Inaa lillahi wa inaa ilayhi raajucuun waxaan halkan uga tacsinaynaya dhamaan umada Somaliyeed gaar ahaan qarabadii iyo eheladii sheekh Cabdiqaadir Raximuhullah sheekh cabdiqaadi Somaali oo dhan ayuu ka dhintay allah subxana watacal ha u naxariisto jannatul Firdowsna ha ku casuumo sheekhanaa sheekh Cabdiqaadir Nuur Faarax oo ay dishay gacan shaqiyad ah oo ka gadran anagana allah samir iyo imaan hanaga siiyo
    Allow u naxariiso oo Jannatul aclaa ku soo dhawee Allow qabriga u nuuri, allow su’allha u fududee’ allow ka dhig mid ka raaxaysta aduunyo daartiisa uu hada ku jirana uga dhig daar raaxo kii dilayna allow aduun iyo aakhiraba duli iyo dar xumo ku rid intii ka dambaysayna ciqaabtooda aduunka ugu soo saar allow ameen allow ameen

  10. ASC.

    Illaahoow u naxariiso shahaadana sii SH. Cabdulqaadir. Bal rag dilaayo 70 jirro culimo ah oo ka oohinaayo 70 jirro iyagana culimo ah xageey ka liibaanaayaan. Ilaahoow cumrigooda gaabi oo yeeysan mar dambe anaga iyo culimadeenaba naga oohinin. Mar dhageystay caalimkaas ooynaayo Wallaahi waa is xajin kari waayay Illaa uu madaxu labo i noqday xanuun dartiis. Illaahow oohinta iyo muragada iyaga hanooga dambeeyaan. AAMIIN AAMIIN

  11. ASC MARKAHORE WAXAAN ILAAHAY UUGA RAJAYNAYAA INUU JANADA GALIYO SHAHIIDNA KADHIGO EHELADII IYO QARAABADII IYO ASXB TII INTABA SABIR IYO IIMAAN KAASIIYO
    waxaan sojedin lahaa talyinkan sosocda
    1- inlaqabto nadwooyin kusaabsan ladagaalanka fikirkan lagu wacyi galinayo dhalinyarada joogta ah lagucadaynayo fikirkan iyo in uu khaldanyahay
    2-madaarista in lalagudaro sigaar ah inlooga hadlo fikirkan iyo khatartiisa
    3-inlaqaybiyo manshuuraad kahadlaya fikirkooda lana qaybiyo markasytana ay culumuda kahadasho

  12. waxaan xusuusinayaa dadka muslimiinta ahqofMuslim ah caydiisu waafaasiqnimo dilkiisu waa kufri maxaamoodaa inla,laayo culimada waadiinta oolala dirirayo allaah waxa uunoosheegay waydiiya dadka cilmigaleh hadiina garanayn waasidee inlalaayo culimada muslimiinta ninka gaystay falkaas wuxuu gacanta lagalay musiibo wayn dadkana indhaha ayuukariday wuxuuse allaah kumahadsanyahay ingacanta laguhayo qaatilkaas allaah waxaankabaryaynaa inuushiikha jannaatul-firdowsa kawaraabiyo una dambidhaafo

  13. asc alle ha u naxariisto sh abdulqaadir iyo sh dr ahmad iyo dhamaan duccaadda iyo muslimiintii ku shahiiday wadadan lagu dilay sh abdulqaadir waxaan ugu baaqayaa umadda somaaliyeed inay meel uga soo wada jeestaan cadawgan arxan laawayaasha ah ee caaadada kadhigtay daadinta dhiiga culimada ardada dhaqaatiirta oday dhaqameedyada siyaasiyiinta wariyayaasha waxaan u sheegayaa muslimiinta waajib saaran oo ah in dhaamaan kooxdan meel loooga soo wada jeesto oo qofkasta meesha uu joogo inuu lashaqeeyo nadaamka ama maamulka kajira meeshaas oo haddii aad aragto cid aad uga shakisantahay fikirkan takfiiriga ah ee khaarijinimada ah ee caqiimka ah fadlan ku wargali xaruunta kuugu dhaw ee police ka ama cidda amniga qaabilsan xattaa hadaad ku nooshahay dhulalka gaalada waayo hadii kale waxaa laga yaabaa in fasaadka qofkaas uu gaystay umad badan oo muslim ah ay ku dhibaatoobaan culima badan uu fuqaha ahna way aqaab masaladaas asalna shareecada way ku leedahay waa mahad santihiin

  14. ALLAHA U NAXARIISTO SH CABDULQAADIR N FARAX. SHALAY AYEY AHAYD MARKUU KA HADLAYEY GEERIDII IYO WIXII DILAY SH DR A CABDURRAXMAN. MAANTANA ASAGAY KU TIMID. BARINA CIDDA XIGTA ALLAA GARAN. BALSE SU AASHA IS WAYDIINTA MUDANI WAXAY TAHAY, FIQIGA REER ictisaam DOOR NUUCEE AH AYUU KA CIYAARI DOONAA DILKAN KU YIMID SH. C/QAADIR OO SANID UU KA HORREEYEY SH. DR A/ C/RAXMAN.
    TOLOW MA DAGAALLAMI DOONAAN? MASE MUXAADARAADKA KU SAABSAN DHIIGGA QAASATAN KUWA CULUMADA AYEY BADI DOONAAN? MA SHACABKAY TALADA U DAYN DOONAAN IYO CIDDA UU MAR WALBABA SHIIQOODA LA DILAY? BAL AAN KA WARSUGNO REER ICTISAAM IYO DOORKA AY CIYAARI DOONAAN HADDAAD DADWAYNE NAHAY.

  15. Rabiyoow Alshabaab aduunkan ku dullee oo hoog ay dhabarka kala jabaan ILAAHAYOOW ku rid, aakhirana eeyda naarta Raboow ka yeel. Soomaalaay culimadiina ilaashada oo waardiyeysta oo gaashaan u noqda.

  16. AS WALALAYAAL HALGAN NET CODKU WAA DACIIF KOR U QAADA HADAAD AWOODAAN JAZAAKUMU ALLH KULAL JAZAA

Leave a comment

*