Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh oo Villa Soomaaliya ku qaabilay Bekir Bozdag

February 23, 2013 - Written by

IMG_3869Muqdisho:-Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa maanta la kulmay wafdi ka socda dalka Turkiga oo uu hogaaminayey Raiisal Wasaare ku xigeenka dalka Turkiga Mudane Bekir Bozdag . Mudane Bozdag  waxaa weheliyey Wasiirka Horumarinta dalka Turkiga Mudane  Cevdet Yilmaz waxayna kusoo booqdeen xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya.

Waxaa kulankan ka qeyb-galay Raisul Wasaare ku Xigeenka ahna Wasiirka ariimaha Dibadda Marwo Fowziya Yusuf Adan, Wasiirka Maaliyadda Mudane Mohamud Xassan Suleyman, iyo Wasiirul-Dowlaha Madaxtooyadda Mudan Faarax Sh. Cabdulqaair.

Kulankan ayaa Madaxweynaha iyo Raiisal Wasaare ku Xigeenka ka wada hadleen arrimo la xiriira Horumarinta, Amniga iyo Mashaariicda Dowladda Turkiga ay ka wado dalka Soomaaliya.

Kulankan  kadib ayaa Madaxweyne Xasan Shiikh iyo R/Wassare ku xigeen Bozdag ay si wadajir ah u qabteen shir Jaraaid halkaas oo ay la hadleen Saxaafadda.

Madaxweynaha ayaa u mahadnaqay shacabka iyo dowladda Turkiga sida hagar la’aanta leh ee ay ugu soo gurmadeen walaalahooda Soomaaliyeed iyo sida ay dowladda Turkigu diyaarka ugu tahay dib u dhiska Soomaaliya.

Howlaha ay dowladda Turkiga ka wado gudaha Soomaaliya ayaa qeyb ka ah “Lixda Tiir Siyaasadeed“ ee aragtida Madaxweynaha oo loogu horseedayo dalka Soomaaliya Nabad iyo Horumar.

Malik Abdalla
Agaasimaha Warfaafinta
Villa, Somalia, Muqdisho
media@presidency.gov.so

Leave a comment

*

Archives
February 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online