Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo kula kulmay Villa Soomaaliya ilaa 60 Garsoore

February 28, 2013 - Written by

DSC_0636Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan xassaasi ah Madaxtooyadda kula qaatay ilaa 60 Garsorayaal oo ka kala socday Maxkamada Sare, Maxkamada Dhexe iyo Maxkamada Gobolka. Kulanka ayuu Madaxweynaha kaga hadlay sidii dib u habeyn loogu sameyn lahaa Garsoorka oo tiir weyn ka ah “Lixda Tiir Siyaasadeed” ee Madaxweynaha.

Madaxweyne Xassan ayaa wuxuu yiri” Sidii aan horay idiinku sheegay in la xushmeeyo cadaaladda waxey ka bilaabataa Madaxda. Aniga marnaba faraha lama geli doono Maxkamadda iyo go’aanada ay gaarto.” “Amniga waa muhiimadda ugu 1aad ee dowladda,laakin hadii aysan cadaalad jirin amniguna ma jiro” Amniga iyo cadaaladda wey wada socdaan. Dadkeena in ay dareemaan nabad, waa in ay arkaan in sharcigu iyo cadaaladda in ay shaqeynayaan.” “Hadii uu shacabku ku qanacsan yahay sida aad wax u xukuntaan oo ay u arkaan in ay cadaalad jirto, shacabku wuu idin xushmeynayaa.”

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Hal xukun oo ku dhaco iyada oo aan laga fiirsan ayaa anaga oo dhan na saameynayo. Aduunku wuu na eegayaa waxeyna eegayaan in aan nahay ummad cadaalad ku dhisan. Xukunka haku deg- degin ee mar walbo sharciga hakuu noqdo garab.” “Ma sahlano howsha na hortaalo mana heysano dhaqaale nagu filan, laakin waa in aad sharciga dhowrtaan. Shacabkeena waa in ay dareemaan in ay heystaan cadaalad iyo garsoor ay aamini karaan.Garsoorka waa in uu noo noqdo hormuud si aan ugu soo kabsano dhibkii nagu dhacay, amnigana dib usoo noqdo. Intaas ayaa muhiim ah”

“Waa in aan dib u habeyn ku sameyno sharciga. Waa in aan ka tashanaa wixii sax ah iyo wixii u baahan in dib loo hagaajiyo.”

Wixii faah-faahin ah kala soo xiriir:Malik Abdalla,Agaasimaha Warfaafinta Villa, Somalia, Muqdisho, media@presidency.gov.so

 
Communication Office
Office of the Somali President
Mogadishu, Somalia

Leave a comment

*

Archives
February 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online