Oohintii Sheekh C/qaadir Nuur Faarax Raximahulaah W/Q Sh Xasan Maxamed Ibraahim

February 23, 2013 - Written by

Maqaal-300x158Alle ha u naxariistee sheekh C/qaadir waxyaabaha dareenka  igu reebay ee aan ku sii xusuusto waxaa ka mid ah kulan aan ka wada qay galnay xajkii 2012ka, sheekhu wuxuu shirkaas ka sheekeeyay sida soomaali u dayacantay sharafteediina u dhaawacantay,wuxuu tusaale u soo qaatay siminaar loogu yeedhay in uu kalmad ka jeediyo oo hay’adaha gaalada dhaqaalaha ka hela qaarkood qabteen.

Sheekhu wuxuu sheegay in markii uu goobtii xafladdu ka dhaceysay tagay oo ku arkay dadkii bulshada hoggaanka ama indhaha u ahaa oo rag iyo dumarba leh, wuxuuna yidhi markaan arkay aad baan uga naxay waxaana ku idhi oo idnkuna meelahan ma timaadaan,isaga oo sheekadii sii wada ayuu tilmaamay in dadkaas shilimaan aan badneyn ka qayb galka siminaaradaas lagu siiyo ka dibna loo dhigo wax badan oo dadka sharafta leh ka xishoon jireen ilaa xad aan lala gabbaneynin in cawrada haweenka iyo gudniinka iyo wax aan dhaamin laga hadlo.

Sheekhu markii uu halkaas marayay ayaa hadalku ka soo bixi waayay wuxuuna u ooyay si damqasho leh oo qofkii goobtaas joogay nabar kaga tagtay, sheekhu alle ha u naxariistee laguma aqoon nin calool nugul oo calaacala caadana uma aheyn inuu eed sheegto ee waxaa xanuujiyay ciilka ay soomli mudatay ee inta badan ay iyadu is badday.

Sheekhu kama ooyin dhib si gaar ah isaga u haystay dhaqannna uma laheyn in duruufihiisa gaarka ahi cidi ogaato ilaahayna cid uma baahinin sharafta cilmigana meel aan ku habooneyn ma dhigi jirin, waxuuse uu ka adkeysan waayay damiir xumada bulshadii soomaaliyeed ku habsatay iyo sida karaamadii u luntay ee koob shah ah loo dhaafsanayo.

Sidoo kale wuxuu sheekhu aad uga damqaday oo dhibsaday dhaqan xumada hay’adaha gaalada ee ka faa’iideysanaya dadka baahida haysa iyaga oo iska dhigaya in ay wax u tarayaan ama u gurmanayaan iyaga oo dhab ahaan ku howlan sidii ay dadka u ihaaneyn lahaayeen xishoodka iyo shraftana u baab’in lahaayeen.

Sheekhu alle ha u naxariistee ma aheyn dadka ku mashquulsan naftiisa iyo danihiisa gaarka ah ee wuxuu xanbaarsanaa hammi weyn wuxuuna hadh iyo habeen u taagnaa sidii uu danta guud wax uga qaban lahaa, marar badan waxaad arki jirtay isaga oo xanuun badani ka muuqdo ama neef adagi hayso oo u socda howl dacwadeed ama u safraya heshiisiin beelo dhib dhex yaallo, waligiisna lama arag isaga oo ka cudurdaaranaya howl khayr oo loogu yeedhay xaalad kasta oo uu ku jiro, mararka qaarna isaga oo aan cudurdaaranin ayey dadku uga turi jireen howshii ay u doonayeen marka ay dhafoortkiisa iyo tabardarrada ka muuqata arkaan.

Dadka u badheedhay in ay sheekh C/qaadir alle ha u naxariistee isaga oo salaad ku jira masjid dhexdiis ku dilaan waxay ogaayeen inuu ka mid yahay dadka soomaali u damqanaya ee damiirka nooli ku hadhay waxayna u jeedeen in umadda laga dhammeeyo cid kasta oo ka dhiidhiyi karta shraf xumada iyo bahdilka lagu wado ummadda soomaaliyeed.

Kuwa dilay sheekh C/qaadir iyo culimadii ka horreysay ilaahay ha u wada naxariitee waxaaa dhibayay dadka u taagan danta guud ee qaboojinaya dagaalada beelaha dhex mara, ama ku howlan walaaleynta iyo heshiisiinta ummadda,waxayna jeclaan lahaayeen in dabkii kacaba wax damiya la waayo ilaa waddanku uu noqdo mid laga guuro.

Kuwa dilay sheekha alle ha u naxariistee iyaga oo qorshayaal meel fog laga soo maleegay fulinaya waxay ogaayeen in culimda iyo waxgaradka la gumaaday ee sheekh C/qaadir ka mid ahaa ay khatar ku yihiin mashaariic waddanka laga damacsanyahay oo u adeegeysa dano shisheeye,waxayna ogaayeen inta dadkaasi aynan ogolaan doonin marnaba wax soomaali lid ku ah intii suura gal ahna ay ka dhiidhiyi doonaan dadaalna ku bixin doonaan sidii looga hortagi lahaa.

Sheekh C/qaadir alle ha u naxariistee dareenkiisii noolaa lama dhimanin ee dad badan uyuu ku tallaalay oo halkii ka sii wadi doona ummadduna ilaahay mahaddii dad badan oo u damqanaya ayey leedahay ciddii rabta in ay baylah ka heshana way ku daali doontaa libna kama gaadhi doonto ilaahay idankii.

W/Q Sh Xasan Maxamed Ibraahim

4 Comments so far

Leave a comment

  1. Waa qoraal qiiro i galiyaay iyo dhibaatada uuxanbaarsan yahy Runtii waa wax jira ee Allah waxaan ka baryayaa in ummadaan farad khayr qaba ufuro shiekh qana unaxariisto iyo kuwa kale ba sh xasan jazakallah kheeran jazaa

  2. uma bahna hadalkaliya waxey ubahanatay wax qabad somalina waxey tiri mel howl ubahan hadal waxba kamataro marka ikhwani dadka adba lo gumadaya culimada waxan ugu baqaya in ay fcicl ku dhaqaqan si lo wayo xuman sameyayasha kudhax jira dadka somaliyed nocwalbey yihinba ama shabab ama kuwa kale o ladonaya somali dhagar iyo khayano ficilka aynu ku dhaqaqno fitnadan hadan laga hortagin waxa iman donta tu kadaran kadigtonada dhagar qabe walbo dhibkisa, shekhana qayr allaha siyo.

  3. Masha-allah wll jazzakallahu khayran khayral jaza’.ALLAH ha u naxariisto sheekheeenii A/QADIR NUOR FARAX, adigana wall ilaahy hakaa abaal siiyo,

  4. maashaa alaah alaha kuxifdiyo sheikhena jasaakumulaakhar waan ooyay markaan akhrinayay qoraalkaaga waxwanaagsan baadsamaysay alana waxaan kabaryayaah in sheikha uu unaxariisto alana noogu badalo midlamida culumadanah dhamaan alaha noo ilaaliyo oo cadawga kaqabto kana dhigo kuwii umada kalahagilahaa oo hokaanka uqabanlahaa insha alaah

Leave a comment

*