Ra’iisul Wasaaraha DFS oo hambalyo u diray ciidanka DFS oo la wareegay Buurhakabo

February 28, 2013 - Written by

shirdoonMuqdisho:-Raisulwasaaraha DFS  Cabdi Faarax Shirdoon ayaa hambalyo u diray ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM ka dib markii ay kooxda ALShabaab ka saareen Degmada Buurhakabo Gobalka Baay wuxuuna Sheegay in ciidanka DFS ay isku fureen wadada u dhexeysa Muqdisho iyo Baydhabo.

Raisulwasaaraha DFS  Cabdi Faarax Shirdoon ayaa sheegay in ciidanka DFS ay u hureen naftooda si ay dalka uga saaraan kooxaha Al-Qacida ee gabaadka ka dhigtay ayuu yiri Soomaaliya wuxuuna ciidanka ku booriyey in ay sii wadaan halgankooda.

Dhanka kale Ra’iisul Waaaraha DFS Cabdi Faarax Shirdoon ayaa sidoo kale sheegay in wadada iskuxirta magaalooyinka Jowhar iyo  Beladweyne ay ciidamada xooga dalka Soomaaliya iyo kuwa Amisom isku furi doonaan dhawaan .

Raisulwasaaraha DFS  Cabdi Faarax Shirdoon  ayaa sidoo kale ka hadlay guulaha ay ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM ka soo hoyeen gobalada Sh/Hoose iyo Sh/Dhexe wuxuuna sheegay in ciidanka DFS ay dhawaan la wareegi doonaan Degmada Baraawe oo ay haatan ku sugan yihiin kooxda AL-Shabaab .

Raisulwasaaraha DFS  Cabdi Faarax Shirdoon ayaa rajo weyn ka muujiyey in ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM ay isku furi doonaan dhamaan wadooyinka gobalada Soomaaliya ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM ayaa shalay la wareegay gacan ku haynta Degmada Buurhakabo ee Gobalka Baay oo ah Degmo Muhiim ah.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online