Sh Maxamuud Ciise oo caawa xiriir la soo sameeyey Halgan.net kana hadlay dilka Sh C/qaadir (Dhageyso)

February 17, 2013 - Written by

321Mecca:-Sh.Maxamuud Ciise oo ka mid ah Culumada ugu waaweyn ee dalka Soomaaliya mudo dheerna ay isla soo  halgameen Allaha u naxariistee Sheekh C/qaadir Nuur Faarax ayaa caawa xiriir la soo sameeyey Shabakkadda Wararka Halgan.net waxaana uuna ka  hadlay dilka Sheekh C/qaadir  Nuur Faarax. Sheekh Maxamuud Ciise ayaa tacsi u diray dhamaan ehelada Sheekh C/qaadir Nuur Faarax wuxuuna ku tilmaamay dilka Sheekh Cabduqaadir  Nuur Faarax mid ka fog diinta Islaamka wuxuuna u rajeeyey khayr faro badan.

Sheekh Maxamuud Ciise ayaa sheegay  in uu mudo dheer yaqaanay Sheekh C/qaadir Nuur Faarax uuna ku yaqaanay khayr iyo wanaag diinta iyo Maqaasida Shareecadana aad u yaqaan waxaana uu sheegay in Sheekhu ahaa geesi aan qarin wax uu xaq u arko uuna dacwada Soomaaliya uu qeyb weyn ka soo qaatay .

Sheekh Maxamuud Ciise ayaa ugu baaqay dhamaan umada Soomaaliyeed in ay meel uga soo wada jeestaan fikirka guracan ee lagu leynayo dadka umada u ah indhaha sida,Culumada ,Isimada iyo waxgaradka Soomaaliyeed.

Sheekh Maxamuud Ciise ayaa Eeba weyne uga baryey in uu janadii ka waraabiyo Sheekh C/qaadir Nuur Faarax wuxuuna alle ka baryey in kuwa haatan la dhacsan fikirka lagu dilay Sheekh C/qaadir uu alle soo hanuunsho hadii rabi hanuun la doono haddii kalana uu alle shartooda ka qabto.

Hoos ka Dhageyso Kalimada Sheekh Maxamuud Ciise Xafidahulaah uu kaga hadlay dilka Sh C/qaadir Nuur Faarax.

[audio:https://www.halgan.net/Mp3/shaxamuud_Ciise.mp3] ama Halkan Mp3

Halgan.net
Mecca

1 Comment so far

Leave a comment

  1. waad mahadsantihiin

Leave a comment

*